Geelle oo markii 5aad loo doortay madaxweynaha Jabuuti

Image

DJABUUTI, Jabuuti - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada wadankaas, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka.

Geelle ayaa, sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay guddiga, wuxuu helay 98.41% oo ah damaan codadkii dadweynaha reer Jabuuti ka dhiibteen doorashadii qabsoontay Jimcadii shalay ahayd.

Muumin Axmed Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, ayaa natiijadda codadka doorashooyinka wuxuu kaga dhawaaqay xarunta ugu weyn ee tirinta codadka ee magaalada Jabuuti.

Madaxweyne Geelle oo hadlay kadib markii shalay uu dhiibtay codkiisa ayaa daaha ka rogay in ay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada kama dambeysta ah.

Madaxweyne Geelle waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan, sida ku xusan natiijada codadka la tiriyey.

Wallow mucaaradka qaar qaadaceen doorashadda, Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan 2021-ka.

Ismaaciil Cumar Geelle oo 73-sano jir ah ayaa hogaaminaya Jabuuti tan iyo sanadkii 1999-kii. Musharaxnimadiisa sanadkan ayuu ka dhawaajiyey in ay ku timid rabitaanka shacabka Jabuuti "oo wali u baahan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM