Golaha ammaanka UN-ka oo ka shiraya xaaladda Tigray
ADDIS ABABA, Ethiopia - Ireland, US iyo UK ayaa golaha ammaanka Qaramada Midoobay waxay ka dalbadeen kulan deg-deg ah oo lagu lafa-gurayo xaalada kasoo cusboonaatay gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray.
Ruushka iyo China oo xulafo la ah dowladda Itoobiya kuwaas oo wali aan mowqif adag ka qaadan colaadan kana mid ahayn wadamada cadaadiska saaraya waxay leeyihiin awood ay ku buriyaan kulanka kahor inta uusan dhicin.
Dhanka kale, Itoobiya ayaa tababar u soo xirtey boqolaal askar ah. Munaasabada ay soo agaasintey waaxda gaashaandhiga waxay ka dhacdey Birshalako.
Talaabadan waxay imaaneysaa xilli colaada gobolka Tigray ay weji cusub yeelatay. Isbedelkan waxaa laga cabsi qabaa in uu dhabaha u xaaro dagaal horleh oo ka qarxa gobolka.
Xoogaga TPLF waxay dib u hantiyeen magaala madaxda Maqale. Addis Ababa ayaa iclaamisay xabad-joojin hal dhinac ah. Baaqyada caalamiga ah ee is-xakameynta way isa soo tarayaan.
Geesta kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutters, ayaa khadka taleefanka kula xiriiray ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed Cali "si uu ugala hadlo colaadda sii kordheysa ee gobolka Tigray".
Qodobada la isla soo qaadey waxaa kamid ah dejinta xiisadaha. Wadahadalka ayaa imanaya xili dagaalo culus kasoo cusboonaadeen ismaamulka ayna xoogaga TPLF qabsadeen magaala madaxda.
Hay'adda carruurta ee UN-ka ayaa ku eedeysay ciidamada dowladda Itoobiya in ay burburiyeen qalabkii isgaarsiinta ee yaalay xafiiska UNICEF ee gobolka Tigray "taasoo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah ee bani'aadamnimada iyo xasaanadda hay'adda samafalka".
Colaada Tigray oo qaraxdey bishii November, 2020 ayaa galaaftay nolosha boqolaal isugu jira askar balse u badan rayid aan waxba galabsan. Sida ay sheegtay Qaramada, colaada waxay sababtay barakaca malaayiin ruux Itoobiyaan ah.
GAROWE ONLINE