Goorta la tijaabinayo dayax gacmeedkii ugu horeeyay ee Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya – Madaxweyne Sahle-Work Zewde ayaa waxay shaacisay in Itoobiya ay sanadkan tijaabineyso dayax gacmeedkii ugu horeeyay abid.

Shirkad ay leedahay dowladda Shiinaha ayaa waxay kaalin weyn ka cayaartay horumarinta iyo sameynta qaab dhismeedka aaladan casriga ah.

Dayax gacmeedka koowaad ee uu leeyahay waddankan dhaca Geeska qaaradda Afrika ayaa waxaa hawada loo diri doonaa bisha December ee sanadkan.

Xarun ku taala waddanka China ayaa la filayaa in hawada sare looga ganno, iyada oo munaasabadda ay kasoo muuqan doonan mas'uuliyiin labadda dhinac ah.

Zewde oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in ay rumeysan tahay in dayax gacmeedkan uu dalkeeda ka caawin doono casireynta wax soo saarka dalaga beeraha.

Sida ay sheegeen khuburadda gacanta ku haysa, dayax gacmeedka ayaa waxa uu bixin doona macluumaad ku saabsan isbedelka cimilada iyo jawiga caadiga ah.

"Waxaan u adeegsan doonan hirgelinta yoolalkeena hor-tabinta leh ee oo ay kamid tahay ilaalinta dhirta," ayay hadalkeeda kusii dartay Sahle-Work Zewde.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM