Guul darro aad u wayn oo u soo hoyatay madaxweynaha Kenya

Image
Falanqeeyeyaal siyaasadeed ayaa rumeysan in go'aankan uu labin u yahay William Ruto.

NAIROBI, Kenya - Guul darro aad u wayn ayaa u soo hoyatay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaddib markii ay garsooreyaasha Maxkamadda ugu sarreysa dalka hor istaageen qorshe ay dowladdu wadatay oo aas-aas u ahaa isbaddal la damacsanaa in lagu sameeyo dastuurka.
 
Kadib doorashadii sida weyn loogu tartamay ee kala qaybisay dalkaas ee sannadkii 2017, Madaxweynaha xilka haya ee Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa soo bandhigay, qorshe ay ugu magacdareen Hindisaha Dhismaha Buundooyinka (BBI) kaas oo ay ku jiraan qodobo ay ka mid yihiin in la hirgeliyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo joogto ah iyo 70 deegaan doorasho.

Labada hoggaamiye ayaa sheegay in xilal siyaasadeed oo la abuuro ay qayb ka noqon karTo in xal loo helo rabshadaha hareeyey doorashooyinka dalka.

Mr Kenyatta ayaa horay xilka madaxweynaha u qabtay labo jeer, suurtagalna uma aha inuu mar kale isu soo sharraxo, balse wuxuu doonayay in uu dhaxalkiisa ka dhigo hirgelinta mashruuca BBI, kaasoo uu ku dooday in uu siyaasadda dalka ka dhigi lahaa mid ka fiican sidii hore, laguna yareynayo qalalaasaha siyaasadeed.

Waxaa la saadaalinayay in Kenyatta uu mashruucan ka heli lahaa door hoggaamineed oo mar kale uu dalka ka qabto, balse maxkamadda sare ayaa ceel dheer ku riday qorshahaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Martha Koome oo akhrisay qaraarka maxkamadda ayaa sheegtay in aan madaxweynuhu awood u lahayn inuu bilaabo hindisaha wax ka bedelka dastuurka, sidaas darteedna ay maxkamaddu ku laashay.

Maxkamadda sare ayaa taageertay laba go’aan oo ay hore u soo saareen maxkamadaha hoose, maxkamadda racfaanka iyo maxkamadda sare, kuwaas oo hindisahan ku sheegay inuu yahay mid dastuurka baalmarsan.

Raila Odinga ayaa soo noqday Ra’iisal Wasaare, ka dib heshiiskii awood qaybsiga ee lagu soo afjaray rabshadihii ka dhashay doorashadii 2007, hase ahatee xilka xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa meesha laga saaray sannadkii 2012, ka dib afti la qaaday.

Mr Odinga ayaa doorashada kula tartamaya Madaxweyne ku xigeenka dalka, William Ruto, oo ay is khilaafeen Mr Kenyatta. Ruto ayaa si weyn uga soo hor jeeday mashruuca BBI. Wareysi uu siiyay ideecadda BBC-da horaantii bishan ayuu yiri, "Qorshahan oo dhan wuxuu iila muuqday isku day lagu raadinayay in aniga dowladda la iiga saaro."

Dad badan oo falanqeeya siyaasadda ayaa u arka go'aanka Maxkamadda guul usoo hoyatay Mr Ruto, balse dadka sida saxda ah u guuleystay waa shacabka Kenya oo qaar ka mid ah la gaaray kiiskan maxkamadda ugu sareysa illaa tan ugu hooseysa si ay u difaacaan dalka, iyaga oo kasoo horjeeday in isbadal aan laga qayb galinin lagu sameeyo dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM