"Guul taariikhi ah" oo u soo hooyatay Soomaalida Itoobiya

Image
Xisbiga talada haya ee Barwaaqo ayaa madaxwayne ku xigeen u doortey Aadan Faarax Ibraahim.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wax lagu tilmaamay "guul taariikhi ah," madaxwayne ku xigeenkii degaanka Soomaalida ayaa maanta loo doortey ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga haya talada dalka Itoobiya.

Aadan Faarax Ibraahim ayaa helay kalsoonida ergadda xubnaha xisbiga Barwaaqo, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah oo soo xiganeysa natiijadda uu faafiyey guddiga doorashadda.

Ibraahim ayaa xilka madaxwayne ku xigeenka Soomaali Galbeed qabtey kadib isbedelkii ka dhacay kilinka kaasoo meesha looga saarey nidaamkii TPLF iyo Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illay].

Mustafa Muxumad Cumar [Cagjar], madaxwaynaha Soomaali State oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa u dabaaldegay wax uu ku tilmaamay "hordhaca guulo soo socda".

Sida laga soo xigtey Cagjar oo maamulkiisa uu gacansaar dhow la leeyahay xukuumadda Abiy ee ku duushay gobolka Tigray, guusha Ibraahim waxay "horudhac u tahay nabsi ka bax ballaaran".

"Qarni ku dhawaad xaqiraad iyo duudsi uu ku jiray shacabka deegaanka Soomaaliyeed kadib, waxaa maanta xisbiga taladda haya dalka Itoobiya ee Barwaaqo uu Madaxweyne ku Xigeenka Xisbiga u doortay Mudane Aadan Faarax Ibraahim." ayuu yiri.

"Wuxuu ku daray: Waa guul taariikhi ah. Waa hordhac guulo soo socda iyo nabsi bax balaadhan oo shacabkeenu muddan yahay. Mudane Aadan Faarax waa shaqsi leh damiir, akhlaaq ahna hawlkar kaalin udub-dhexaad ah kulahaa, isbadalkii kadib, dib u dhiskii nidaamkii dawladnimo ee burburay ee deegaankeena. Waxaan leenahay hambalyo hambalyo," ayuu ku daray.

Sida laga soo xigtey Encyclopedia of the Third World, in ka badan hal milyan oo Soomaali ah ayaa ku nool Itoobiya, kuwaas oo intooda badan ku badan gobolka Ogaadeeniya oo hodan ku ah kheyraad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM