Hadal "takoor ah" kana soo yeeray madaxweyne oo la cambaareeyay

Image
Midowga Afrika ayaa si xooggan waxa uu u cambaareeyay dhawaqa kasoo yeeray hogaamiyahan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Midowga Afrika ayaa cambaareeyay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, kaasoo ahaa in dadka ka soo jeeda Afrikada Saxaraha ka hooseeya ee ku nool dalkaas "ay ku lug-leeyihiin dambiyo".

Qoraal lagu daabacay ciwaanka Twitter-ka ee AU-da ayaa lagu sheegay in ay "ka xun yihiin hadalada isir-nacaybka ah ee ka dhanka ah dadka Afrikaanka ah ee Tuniisiya", wallow oo aan si toos ah loogu sheegin magaca Saciid.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahmat, ayaa intaa ku daray inay si adag u dhaleeceynayaan hadala naxdinta leh ee ay soo saareen mas'uuliyiinta Tunisia ee lagu beegsanayo dadka Afrikaanka ah.

Saied ayaa sheegay "in uu jiray qorshe dambiyeed ay ku lug-leeyihiin dadka Afrikaan ah tan iyo bilowgii qarniga si wax looga beddelo qaab dhismeedka dadweynaha Tunisia".

Wuxuu raaciyey: "Waxaa jira dhinacyo helay lacago badan kadib 2011 oo loogu talagalay dejinta muhaajiriinta sharci-darrada ah ee ka yimaad dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika".

Ururka ay ku mideysan yihiin ardayda Afrikaanka ah ayaa dhankooda waxay dhankooda aad uga banaanbaxeen hadalka kasoo yeeray Saied waxaana ay ugu baaqeen in uu degdeg uga bixiyo raaligelin iyo in uu ka noqdo hadalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM