Haweenayda ugu hantida badan Afrika oo beenisay eedeyn loo jeediyay

Image

LUANDA, Angola – Haweenayda ugu maalka badan Afrika ahna gabadha madaxweynihii hore ee Angola ayaa beenisay in ay wax qalad ah sameysay.

Isabel dos Santos ayaa lagu eedeeyay in ay wax is-dabamarin sameysay intii ay ahayd Gudoomiyaha shirkada shidaalka dowladda ee Sonangol.

Baaritaan ka dhan ah oo la bilaabay ayaa waxay shaacisay in uu salka ku hayo "dano siyaasadeed oo gaar ah".

Lacagta lagu haystay oo la sheegay in ay amartay in loo diro Abu Dubai ayaa waxay gaareysaa aduun dhan 38 milyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

"Lacagta aan diray sharci bey ahayd," ayay tiri. "Hadii mas'uuliyiinta dhab ka yahay dagaalka musuqmaasuq ha raadiyaa Miisaaniyadii 2015-kii".

Eedeymahan ayaa waxaa u jeediyay Carlos Saturnino kaasoo ay iyaddu bedeshay markii shaqadda laga eryay bishii Maaj.

Sidda ay sheegtay warbaahinta, lacagta ayaa waxay dirtay maalin kahor inta aan xilka ka qaadin, taasi oo tuhunka dhalisay.

Dos Santos. 46-sano jir hantideeda lagu qiyaasay 2.1 bilyan oo Doollar-ka Mareykanka ah, ayaa qudheeda xafiiska laga racdeeyay.

Ceyrinteeda waxay salka ku haysay xaalufinta musuqmaasuqa la degay waddankaas. Joao Lourenco oo aabaheeda bedelay ayaa xilka ka qaadis ku sameeyay.

Shirkadda shidaalka maamusha ee Sonangol oo muhiim u ah kobaca dhaqalaaha waddankan ayaa xudun u noqotay olalaha lagu baabi'inayo musuqmaasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM