Haweenaydii 1aad oo ra'iisul wasaare ka noqotay Tunisa
TUNIS, Tunisia - Madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, ayaa u magacaabay Najla Bouden Romdhane, oo ah Injineer jaamacadeed da'yar ah lana shaqeeyay Bangiga Adduunka, inay noqoto ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee haweeney ah, ku dhawaad laba bilood ka dib markii uu kula wareegay gabi ahaanba awooda wax ay mucaaradka ugu yeereen afgembi.
Romdhane ayaa xilka la wareegaysa xilli ay jirto dhibaato qaran oo ay ku jirto shaki soo wajahay guulaha dimuqraadiyadeed lagu guuleystay kacdoonkii 2011-kii iyo dhibaato dhaqaalaha oo shacabka ku yimid.
Saied wuxuu eryay ra'iisul wasaarihii hore. Sidoo kale, wuxuu laalay baarlamaankii. Wuxuu isku koobay awoodihii fulinta bishii Luulyo. Tan iyo xilligaas, waxaa ku kordhayay cadaadiska gudaha iyo dibadda.
Toddobaadkii la soo dhaafay, wuxuu dhinac iska dhigay wax badan oo dastuurka ka mid ah si uu u sheegto inuu ku xukumi karo inta badan digreeto. Beesha Caalamka waxay ku cadaadineysay dhismaha xukuumad.
Magacaabida Romdhane ayuu u cuskadey qodobo uu ku dhawaaqay toddobaadkii hore wuxuuna ka codsaday inay si degdeg ah u soo dhisto xukuumad cusub, sida ay sheegtay Madaxtooyadda.
Romdhane ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii tobnaad ee Tunisia tan iyo kacdoonkii 2011-kii oo xukunka looga tuuray kaligii taliyihii muddada dheer Zine El Abidine Ben Ali, taasoo dhalisay kacdoonkii Guga Carabta.
Dalku wuxuu wajahayaa dhibaatooyin maaliyadeed si xawli ah ku socota ka dib markii sanado badan oo dhaqaaluhu ahaa mid sii xumaanayey sababo la xiriira cudurka faafa ee Covid-19 iyo is-qabqabsiga siyaasadeed.
GAROWE ONLINE