Haweenaydii u horeysay oo wasiirka difaaca ka noqotay Tanzania

Image
Madaxwayne Samia Suluhu Hassan ayaa si weyn u difaacdey magacaabida Stergomena Lawrence Tax.

DARU SALAM, Tanzania - Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa u magacawday Stergomena Lawrence Tax in ay noqoto wasiirka cusub ee gaashaandhigga iyo adeegga qaranka ee waddankaas.

Elias Kwandikwa, oo dhintay horraantii bishii Ogosto gudaha isbitaal ku yaala Dar es Salaam, ayay badelaysaa. Agaasinka Warfaafinta Madaxtooyada  ayaa bayaan ku xaqiijiyey magacaabida.

Dr Tax ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee jagada wasiirka gaashaandhigga ka qabata tan iyo markii ay xornimada qaadatay waddankan ku yaala bariga qaaradda Afrika.

Sidoo kale, waxay soo noqotay xoghayaha SADC, oo ah urur dowladeed oo la aasaasay 1992 si kor loogu qaado siyaasadda, dhaqan-dhaqaale iyo amniga iskaashiga iyo isdhexgalka 16-ka dal ee xubnaha ka ah.

Muddadii ay xilka haysay oo ahayd xoghayaha fulinta ee SADC waxay dhammaatay 31-kii Ogosto. Waxaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga laba maalmood kadib markii loo dhaariyay xubinnimada Baarlamaanka.

Madaxweyne Suluhu ayaa sheegtay inay u magacawday Dr Tax si ay u jabiso "xaaraanta ku saabsan in raggu yihiin kuwa u qalma in ay ku fadhiistaan jago kasta oo muhiim ah".

"Shaqada wasiirku ka qabto xafiiskaas ma aha in uu qaato qori ama madaafiic. Waajibka ugu weyn ee saaran ayaa ah in inta badan ay isku dubarido oo maamusho maamulka iyo siyaasadaha wasaaradda," ayay tiri.

Sikastaba ha ahaatee, Stergomena Lawrence Tax ayaa ku timid isbedel lagu sameeyay xubnaha golaha wasiiradda Tanzania, waxaana dhankeeda ay farxad ballaaran ay ka muujisay jagadda cusub ee loo magacaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM