Hay’adda Bisha Cas Turkiga oo gargaar ku wareejisay SODMA

Image
Gargaarkan ayaa waxaa loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyed ee iskugu darsoomeen daadadka iyo fatahaadaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa markii labaad waxa ay shixnad gargaar mucaawino ah kala wareegtay Hay’adda Bisha Cas Turkiga, kaas oo ka kooban qaybaha kala duwan raashin ka.

Gargaarkan ayaa waxaa loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyed ee iskugu darsoomeen daadadka iyo fatahaadaha kuwaas oo ku nool gobolada Wadankeena hataana wajahaya xaalad adag oo dhanka nolasha ah.

Deedqaan waxaa guddoomiyaha Hay’adda maareynta Musiiboyinka qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ku wareejiyey Safiir ku xigeenka Safaaradda Dalka Turkiga iyo madaxa hay’adda bisha Cas Turkiga  ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta Musiiboyinka qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahadnaqay shacabka,hay’adda bisha Cas ee dalka Turkiga. Isaga oo xusay in mar walba ay sida joogtada ah u garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyed ee iskugu darsoomay Daadadka Elniino iyo fatahaadaha Wabbiyada.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Dalka Turkiga iyo madaxa hay’adda bisha Cas Turkiga  ee Soomaaliya ayaa kawarbixiyey gargaarkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM