Heshiis la sheegay in laga gaarey qalalaasaha Suudaan

Image
Is-fahamkan ayaa xeerinaya in uu dib u soo laabto ra'iisul wasaarhii xukunka laga tuuray ee Suudaan.

KHARTUUM, Suudaan - Militariga Sudan ayaa qorsheynaya inay dib u soo celiyaan ra'iisul wasaarihii xilka laga tuuray Abdalla Hamdok ka dib toddobaadyo ay socdeen rabshado ka dhashay afgambi, Fadlallah Burma Nasir, oo ah madaxa xisbiga Ummada ayaa sidaas u sheegay Reuters.

"Xamdook waxa uu soo dhisi doonaa gole wasiiro oo madax banaan oo ka kooban teknoolajiyada, dhammaan maxaabiista siyaasadda waa la sii dayn doonaa sida uu dhigayo heshiis dhex maray militariga iyo xisbiyada siyaasadda," ayuu yiri Naasir, oo ka qeyb galay wada xaajoodyadii lagu heshiiyay.

Golaha Sare ayaa shir deg deg ah yeelan doona maalinta Axadda ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska, sida ay wakaaladda kasoo xigatay ilo xog ogaal ah oo wadahadalka la socda.

Ma cadda inta ay la egtahay isbahaysiga madaniga ah ee Xoogaga Xorriyadda iyo Isbeddelka ee awoodda la wadaaga milatariga ay qayb ka noqon doonaan heshiiska.

Kooxaha u firfircoon ee hogaaminayay mudaaharaadyada tan iyo afgambiga ayaa dalbanayay in militariga uu gabi ahaanba ka baxo siyaasada kuna laabtaan xeryahooda.

Hamdok ayaa xabsi guri la galiyay kadib markii militariga ay la wareegeen talada 25-kii Octobar, taasi oo meesha ka saartay isbedelkii dhanka dimoqraadiyada ee lagu heshiiyey kadib afgambigii xukunka dheeraa ee Cumar al-Bashiir sanadkii 2019-kii.

Milateriga ayaa kala diray golihii wasiiradda ee Xamdook, waxaana ay xireen tiro dad rayid ah oo xilal sare kasoo qabtay heshiis awood qeybsi ah. Balse, sidda uu xeerinayo heshiiskan cusub, waxaa la filayaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan ay dib ugu helana xorriyadooda dhamaan maxaabiista.

Inqilaabka ka dib, Hamdok waxa uu dalbaday in la sii daayo dhammaan maxaabiista siyaasadeed iyo in lagu soo celiyo awood qeybsiga, taasoo shuruud u ah wada xaajoodka, sida laga soo xigtay ilo ku dhow.

Inqilaabku waxa uu kiciyay mudaaharaadyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo millatariga, dadka u dhaqdhaqaaqa ayaa ku baaqay mudaharaadyo kale Axadii.

Quwadaha reer galbeedka ee taageeray isbadalka siyaasadeed ee Suudaan ayaa cambaareeyay la wareegidda, waxayna hakiyeen kaalmo dhaqaale ah oo ay siin jireen Suudaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM