Hindiya oo codsatay ku biiritaanka Midowga Africa ee kooxda G20

Image

NEW DELHI, Hindiya - Ra'iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku baaqay in Midowga Afrika lagu daro kooxda G20 oo ka kooban 19 waddan iyo Midowga Yurub, kuwaas oo gacanta ku haya 85 boqolkiiba dhaqaalaha guud ee adduunka.

"Waxaan casuumaad u fidinnay Midowga Afrika annagoo leh aragti ah inaan siinno xubin joogto ah," ayuu yiri Modi intii lagu jiray madasha ganacsiga "B20", kaas oo horudhac u ah shirka G20 ee loo qorsheeyay in uu Sebtembar 9-10 ka dhaco magaalada New Delhi.

Wadarta guud ee wax-soo-saarka ee Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa sannadkii hore gaaraysay 3 trillion oo doollarka Maraykanka ah, waxaana xubin ka ah 55 waddan, balse waxaa hakad ku jira xubinnimada shan waddan oo afgambi militari ka dhacay.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu bishii December muujiyay rabitaankiisa ku aaddan in Midowga Afrika ay ku biiraan "G20” si ay xubin joogto ah uga noqdaan, isagoo intaas ku daray in arrintan ay soo daahday balse dhici doonto.

Koonfur Afrika ayaa ah dalka kaliya ee Afrikaan ah ee Xubin ka ah Kooxda G20.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 01:12PM

Congo: Meydad badan oo laga helay magaalo Mucaaradka la wareegay

Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la helay ilaa 2,000 halka meydadka 900 oo kale ay ku jiraan filinjeerrada isbitaallada.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 09:00AM