Hindiya oo codsatay ku biiritaanka Midowga Africa ee kooxda G20

Image

NEW DELHI, Hindiya - Ra'iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku baaqay in Midowga Afrika lagu daro kooxda G20 oo ka kooban 19 waddan iyo Midowga Yurub, kuwaas oo gacanta ku haya 85 boqolkiiba dhaqaalaha guud ee adduunka.

"Waxaan casuumaad u fidinnay Midowga Afrika annagoo leh aragti ah inaan siinno xubin joogto ah," ayuu yiri Modi intii lagu jiray madasha ganacsiga "B20", kaas oo horudhac u ah shirka G20 ee loo qorsheeyay in uu Sebtembar 9-10 ka dhaco magaalada New Delhi.

Wadarta guud ee wax-soo-saarka ee Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa sannadkii hore gaaraysay 3 trillion oo doollarka Maraykanka ah, waxaana xubin ka ah 55 waddan, balse waxaa hakad ku jira xubinnimada shan waddan oo afgambi militari ka dhacay.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu bishii December muujiyay rabitaankiisa ku aaddan in Midowga Afrika ay ku biiraan "G20” si ay xubin joogto ah uga noqdaan, isagoo intaas ku daray in arrintan ay soo daahday balse dhici doonto.

Koonfur Afrika ayaa ah dalka kaliya ee Afrikaan ah ee Xubin ka ah Kooxda G20.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM