Hogaamiyaha mucaaradka Kenya oo laga helay Covid-19

Image

NAIROBI, Kenya – Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa la karantiilay ka dib markii baaritaan lagu sameeyay ay caddeeyeen in laga helay safmareenka Coronavirus fiidnimadii Khamiista.

Mr Odinga ayaa maalintii Talaadada todobaadkii hore la dhigay isbitaal ku yaala caasimada Nairobi kadib markii uu daal ku dhacay, sida ay sheegeen qoyskiisa.

"Si fiican ayuu uga jawaabayaa daaweynta uu helayo ... welina waa lama filaan. Waxaan sii wadaynaa inaan la socono horumarkiisa," ayuu dhakhtarkiisa ku yiri hadal uu soo saaray.

Mr Odinga ayaa markii dambe bayaan uu soo saaray ku sheegay "inuu dareemayo xoog isla markaana uu ku sugan yahay xaalad wanaagsan" laakiin wuxuu kula heshiiyay dhakhaatiirta inuu kusii jiro karantiil qasab ah.

Kenya waxaa la soo darsaya mowjad saddexaad oo ah caabuq Covid-19, sidda uu sheegay wasiirka caafimaadka.

Waddanku wuxuu diiwaan geliyey 829 kiis oo cusub Khamiistii – waa tiradii ugu badneyd kiisaska maalinlaha ah sannadkan.

Mr Odinga, oo 76 jir ah, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta gudaha Kenya ka waday isu soo baxyo siyaasadeed labadii bilood ee ugu dambeysay iyada oo aan la qaadin tallaabooyin nabadgelyo oo taxaddar leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM