Hogaamiyihii Mucaaradka Zimbabwe oo geeriyooday

Image

Johannesburg - Waxaa caawa fiidkii Isbitaal ku yaalla magaalada Johannesburg ee dalka South Africa ku geeriyooday hogaamiyihii mucaaradka wadanka Zimbabwe, Morgan Tsvangirai.

Sarkaal katirsan Xisibigiisa MDC ayaa xaqiijiyay in Tsvangirai uu u geeriyooday xanuunka Kansarka dhanka caloosha uga dhacay, oo mudo la xanuunsanayay.

Tsvangirai ayaa da'diisu ahayd 56 jir.

Hogaamiyahan ayaa mar Ra'iisul Wasaare kasoo noqday dalka Zimbabwe, wuxuuna ahaa siyaasi caan ah, oo dhowr jeer ay xabsi gelisay dowladda Robert Mugabe.

Doorashadii 2008, Tsvangirai ayaa helay codadkii ugu badnaa wareegga kowaad, balse waxaa uga guuleystay Robert Mugabe kadib markii uu isaga baxay doorashada.

Doorashadaasi oo ay hareeyeen musuq iyo ku shubasho codadka, ayaa ugu dambeyntii waxay ku heshiiyeen isaga iyo Mugabe inuu noqdo Ra'iisul Wasaare.

Tsvangirai ayaa markale la tartamay Mugabe 2013, haddana markale ma guuleysan.

Morgan Tsvangirai

Wuxuu ahaa hogaamiye aan cabsan, rug-cadaa u dagaalama dimuqraadiyadda dalkiisa Zimbabwe oo mudo tobonaan sano ah ku jiray xukun kaligii-talis ah.

Xisbiga MDC ayaa ka fekeryay musharaca doorashada sanadka ka dhacaysa Zimbabwe ugu tartami lahayd, maadaama uu xanuunsanayay Tsvangirai.

Morgan Tsvangirai - 1952-2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM