Horumar laga sameeyay saarida markabka ku xayirmay Canal Suez

Image
Image
Image

QAAHIRA, Masar - Horumar kooban ayaa laga sameeyay dedaalada lagu badbaadinayo markabka ku xayirmay Canal Suez. Markabkan lagu magacaabo Ever Given waxaa maamusha shirkad laga leeyahay dalka Taiwan.

Kooxaha shaqada wadda ayaa u baahan in ay dardargeliyaan dedaalada si ay ugu guuleystaan in ay si kama dambeys ah oo dhameystiran dibada ugu soo saaraan markabkan balaciisa uu u dhigmo afar garoon kubada cagta ah.

Markabka oo 26-kii bishaan Maarso u degay dhanka koonfureed ee kanaalka ayaa loo jiheeyay dhanka galbeed, waxaana wali caqabadda ka taagan tahay dhanka bari oo shaqaalaha ay ku dedaalayaan inay ka samata bixiyaan.

Warbaahinta Masaarida ayaa ku warantay in markabka uu xayiraada galay ka gedaal markii kabtanka uu xakameyn waayey isteerinka taasoo dhalisay jihadii saxda ahayd ka weecdo kuna dego aaga ay caradda u badan tahay.

Iyaddoo saameynta ay xayiraadan ku keentay isu-socodka dhaqaalaha iyo ganacsiga aduunka si gaar ah shidaalka ay aad u ballaaran tahay, in ka badan 400 maraakiib ah ayaa sugeysa in ay ka talaabaan kanaalka Suez.

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al Siisi oo hadlay Isniinta maanta ah, ayaa ku faanay guusha horudhac ah ee dalkiisa kasoo hooyey in uu dib u furmo kanaalka, wallow uu qiray in labinta aysan ahayn mid dhameystiran.

"Kusoo celinta xaaladda si caadi ah iyaddoo la adeegsanayo gacanta Masaarida, waxay dunida u xaqiijineysaa wanaagooda iyo in ay u baahan yihiin marinkan halbawlaha u ah maraakiibta," ayuu ciwaanadiisa baraha bulshada ku yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM