Howlgalkii UN-ka ee 10-ka sano ka jiray Mali oo lasoo afmeeray

Image
Ciidamadda milatariga ee la wareegay awooda xukunka dalkaas ayaa amarkan soo saarey.

NAIROBI, Kenya - Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Mali ayaa si rasmi ah u soo afjaray 10 sano uu joogay dalkaasi. Afhayeenkooda ayaa sheegay in ka bixitaanka ay amartay dowladda militariga ee wadankaas.

Hawlgalka, oo loo yaqaano UN Multidimensional Integrated Stabilization Mission in Mali (MINUSMA), ayaa calanka Qaramada Midoobay ka dejiyay xaruntooda caasimadda Bamako, sidda uu afhayeenka Fatoumata Kaba ay Isniintii u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

"Xafladda astaanta u ah bixitaanka waxay calaamad u tahay dhammaadka rasmiga ah ee howlgalka," ayay tiri, inkastoo qaar ka mid ah sababaha keenay aan daaha laga qaaidn.

"Wejiga kama dambeysta ah ee bixitaanka" ayaa dhici doona Janaayo 1 kadib markaas oo ay dhici doonan ku wareejinta wixii qalab ah ee haray maamulka.

Bishii Juun, dowladda militariga ee Mali, oo xukunka la wareegtay 2020, ayaa dalbatay ka bixitaanka howlgalka, oo jiray tan iyo 2013, inkastoo ay gacanta ku hayaan weerarada kooxaha hubeysan ee gobolka Saaxil.

Ka bixitaanka ciidamada MINUSMA ayaa kicisay cabsi laga qabo in uu sii xoogeysto dagaalka u dhaxeeya ciidamada Mali iyo kooxaha hubeysan ee ku wajahan gacan ku heynta dhulalka.

Hawlgalka MINUSMA waxaa Mali ka joogay ilaa 15,000 oo askari iyo booliis tobankii sano ee la soo dhaafay. Ku dhawaad ​​180 xubnood ayaa lagu dilay falal cadawtinimo ah kuwaas oo ay geysteen kooxo aad u hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM