In ka badan 13,000 qof oo ku geeriyootay colaadda Suudaan: UN

Image
Dhowr heshiis oo xabbad joojin ah ayaa ku guuldareystay inay soo afjaraan rabshadaha dalkan.

KHARTUUM, Suudaan - In ka badan 13,000 oo qof ayaa ku dhintay 26,000 oo kalena way ku dhaawacmeen colaadda ka socota Suudaan tan iyo sannadkii hore, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Suudaan waxaa hareeyay dagaal u dhexeeya ciidamada, oo uu hoggaaminayo Abdel Fattah al Burhan, madaxa golaha sare ee talada dalka, iyo kooxda gurmadka degdegga ah (RSF) tan iyo Abriil 2023.

"Qiyaastii 7.6 milyan oo qof ayaa ku barokacay gudaha iyo dibadda Suudaan tan iyo markii ay dagaalladu ka bilowdeen," ayuu yiri Xafiiska Isku-xirka Arrimaha Bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtay xafiiska, in ka badan 9,700 oo xaaladood oo looga shakisan yahay daacuunka, oo ay ku jiraan 269 dhimasho ah, ayaa laga soo sheegay Suudaan ilaa Janaayo 16.

Dhowr heshiis oo xabbad joojin ah oo ay garwadeen ka ahaayeen dhexdhexaadiyeyaasha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa ku guuldareystay inay soo afjaraan rabshadaha ka socda waddanka Suudaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM