In ka badan 20-kun tahriibayaal ay Soomaali jiraan oo galay Talyaaniga

Image
Tirokoobkan ay soo bandhigtey Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Roma ayaa ku salaysan tan iyo bilowgii sanadkan.

ROMA, Italy - Tiradda dadka tahriibayaasha ah ee sidda joogtada ah ku gaaray Talyaaniga tan iyo bilowgii sanadkan ayaa kor u dhaaftay 20,000, sidda lagu soo bandhigay tirokoobyada rasmiga ah.

Xogta laga helay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa muujisay in 20,017-dan muhaajiriinta aan caadi ahayn ay soo mareen badda halista badan ee Mediterranean-ka.

Sidda laga soo xigtey shaqsiyaad ay ku jiraan Soomaali ayaa galay Talyaaniga intii u dhaxaysay Jan. 1 ilaa March 13 marka la barbar dhigo 6,152 oo isla muddadaas iyo sannadkii hore.

Intii u dhaxaysay Maarso 9-11 oo keliya, 4,566 tahribayaal aan caadi lahayn ayaa, sidda ku xusan xogta wasaaradda, waxay doon uga soo talaabeen isla badda Mediterranean-ka.

Wasiirka Difaaca Talyaaniga Guido Crosetto ayaa ku andacooday kororka tirada muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee ka imaanaya Afrika inay qayb ahaan sabab u tahay istiraatijiyadda Ruushka ee Ukraine.

Sababo la xiriira kororka soogalootiga, mas'uuliyiinta ugu sareys adalka ayaa ka qayb qaatay shir muuqaal ah kaasoo diiradda lagu saarey sidii xal waara loogu heli lahaa qulqulka magan-galyo doonkan.

Sida lagu sheegay warbixin uu wargeyska La Repubblica ka soo xigtay kulanka, waxa si lamid ah lagaga wada hadlay in la isticmaalo agabka tignoolajiyada ku habboon ee Ciidanka Badda Talyaaniga.

Soojeedintan ayaa salka ku haysa si loo ogaado doonyaha muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee ku sugan aagagga ka baxsan dhul-badeedka iyo in la hagaajiyo isku-dubbaridka ciidamadda ilaalinta badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM