In ka badan 20 qof oo ku dhimatay doon ku degtay xeebaha Senegal

Image
Xeebaha Senegal ayaa waxay yihiin goob ay ka dhoofaan qaxootiga Afrikaanka ah.

NAIROBI, Kenya - Kooxaha samatabbixinta ayaa in ka badan 20 meyd ka soo saaray badda waqooyiga Senegal ka dib markii ay degtay doon ay saarnaayeen boqollaal qaxooti iyo tahriibayaal ah.

Dadkan muhaajiriinta ah ayaa waxa ay ku sii jeedeen qaaradda  Yurub, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay guddoomiye gobol iyo dad ka badbaaday.

"In ka badan 20 mayd" ayaa la helay, guddoomiyaha gobolka Saint-Louis Alioune Badara Samb ayaa telefoonka ku sheegay Arbacadii, isagoo intaas ku daray in 20 qof oo kale la badbaadiyay.

Badara Samb ma aysan sheegin tirada rakaabka ah ee la socotay doonta balse dad ka badbaaday ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in tirada ay noqon karto boqolaal.

Mamady Dianfo, oo ka soo jeeda Casamance oo ku taal koonfurta fog ee dalka, ayaa sheegtay in doonta la socdeen ilaa 300 oo rakaab ah, markii ay doonidu ka tagtay Senegal toddobaad ka hor.

Qof kale oo badbaaday kaasoo magaciisa lagu sheegay, Alpha Balde, ayaa waxa uu qiyaasay in tiradda rakaabka ay noqon karto 200 wallow aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Xeebaha Senegal ayaa waxay yihiin goob ay ka dhoofaan qaxootiga Afrikaanka ah iyo muhaajiriinta u socda jasiiradda Canary ee Isbaanishka, oo ah dekeddooda iyo marinka ay ka galaan qaaradda Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM