In ka badan 200 meyd tahriibeyaal ah oo lagu helay 10 casho gudaheeda

Image
Muhaajirintan ayaa lagu waramay in ay kasoo jeedaan dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

TUNIS, Tunisia - Mas'uuliyiinta Tunisia ayaa soo saaray meydadka 210 tahriibayaal ah oo ku qaraqmay xeebaha dalkaasi todobaadkii hore, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen ciidamada boolis-milataarya ee dalkaasi Jimcihii.

Afhayeenka ciidamada qaranka Tunisia, Hosam Eddin Al-Jababli, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in “210 mayd oo tahriibayaal ah ay soo saareen cutubyada ilaalada badda".

"Meydadka la helay waxay u muuqdaan in ay yihiin muhaajiriin ka yimid dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya," ayuu hadalkiisa kusii daray Gaashaanle Al-Jababli.

Howlgallada baaritaannada ayaa ka dhacay magaalooyinka xeebaha ah ku yaalla ee Sfax, Kerkennah, iyo Mahdia intii u dhaxeysay 18-kii illaa 27-kii Abriil, sidda uu sheegay afhayeenku.

Tuniisiya waxay leedahay in ka yar 150 kiiloomitir (90 mayl) xeeb, iyadoo Lampedusa, oo ah jasiirad Talyaani ah oo ah meesha ugu horeysa ee ay u socdaalaan muhaajiriinta aan joogtada ahayn ee isku dayaya safarka halista ah ee badda ee Waqooyiga Afrika ilaa Yurub.

Muddo sanado ah, wadamada Waqooyiga Afrika sida Tunisia, Algeria, Libya, Mauritania, iyo Morocco waxay goob joog u ahaayeen isku dayo ay sameeyeen tahriibayaal - oo u badan kuwa ka yimid Saxaraha ka hooseeya - si ay u gaaraan Yurub, iyagoo rajeynaya nolol wanaagsan.

Sidda laga soo xigtay mas'uuliyiinta Tunisia, in ka badan 20,000 oo muhaajiriin aan caadi ahayn ayaa la xiray sanadkii 2021. Tahriibeyaashan ayaa la aaminsan yahay in ay ku jiraan qaar badan oo Soomaali ah wallow aan tirokoob lagu sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM