In ka badan 30 qof oo ku dhimatay bas ku rogmaday koonfurta Mali

Image
Shilalka ay galaan basaska gaadiidka dadweynaha ayaa ah kuwo si joogta ah uga dhaca dalka Mali.

NAIROBI, Kenya - 31 qof ayaa lagu dilay dalka Mali 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii bas ku sii jeeday Burkina Faso uu ka dhacay buundada koonfur bari ee dalkaasi, sida ay sheegtay wasaaradda gaadiidka.

"Baska oo ka baxayey ismaamulka Kenieba kuna socday Burkina Faso ayaa ka baxay buundada. Dhimashada ku meel gaarka ah waa 31 qof oo isla goobta lagu dilay 10 kalena waa la dhaawacay, qaar ka mid ah waa ay halis yihiin," ayaa lagu yiri bayaanka.

Shilkan ayaa ka dhacay abaare 5-tii galabnimo ee xilliga maxaliga ah aagga Koumantou ee koonfurta caasimadda Bamako.

Shilalka ay galaan basaska gaadiidka dadweynaha ayaa ah kuwo si joogta ah uga dhaca dalka Mali.

19-kii Febraayo, ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 46 kalena waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay bartamaha Mali

Afrika ayaa ah afar meelood meel dhimasha taraafikada adduunka in kasta oo qaaradda ay leedahay 2 boqolkiiba gawaarida adduunka, sidda ay muujineyso xogta Qaramada Midoobay daabacdey sanadka markii uu ahaa 2023.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM