In ka badan 50 dal oo mamnuucay baasaboorka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Dadka heysta baasaboorka Kenya ayaan geli karin 54 wadan sababo la xiriira mamnuucida Covid-19 iyo ololaha caalamiga ah ee la doonayo in looga hortago faafida noocyadda cusub ee Coronavirus.

Henley Passport Index', oo ah hay'ad si joogto ah u kormeereysa baasaboorada adduunka ugu safarka badan tan iyo sanadkii 2006, ayaa soo saartay jaantus muujinaya sida aafadu u saameysay safarka.

Australia, Argentina, Belgium, Cambodia, UK, Canada, Portugal, Denmark, Bulgaria iyo Singapore ayaa ugu sareeya liiska wadamada mamnuucay ama xayiraada saaray dadka wata Baasaboorka Kenya.

Kuwa kale waa Hong Kong, Bangladesh, Chile, Czech Republic, Cyprus iyo Cameroon, oo ay ku taxan yihiin Henley & Partners inay yihiin dalka kaliya ee Afrika ee xayiraad ku soo rogay baasaboorka Kenya.

Nooca aadka u faafa ee loo yaqaan 'Covid-19 Delta' ayaa laga yaabaa inuu kiciyo mowjad afaraad oo cuduro ah kana dilaaca Kenya labada bilood ee soo socota, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dowlada Kenya.

Noocan cusub oo si dhakhso leh la isugu kala gudbin karo, oo markii ugu horraysay laga helay Hindiya, ayaa wuxuu ku badan yahay galbeedka Kenya, halkaas oo markii hore laga helay guud ahaan waddankaas.

Kenya kama aargudan 54-tan dal marka laga reebo dalal faro-ku-tiris ah oo muwaadiniintoodu u baahan yihiin in karantiil galaan mar walba oo ay soo laabtaan. Hase ahaatee, talaabaddaas kuma filna dhaawaca soo gaarey.

Kenya ayaa waxay xaqiijisay 188,513 kiika loo yaqaan 'Covid-19' iyo 3,721 ruux oo u dhintey safmareenka ilaa 29-kii Juun, iyada oo heerka kororka saadashadu tahay 8.9 boqolkiiba in koror badan uu imaan doono dhowaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM