In ka badan 60 qof oo lagu khaarijiyey weerar gaadmo ah

Image
Boqolaal rag ah oo ku labisanaa dareeska ciidamada ayaa la sheegay in ay geysteen falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uuliyiin ku sugan waqooyiga dalka Burkina Faso ayaa sheegay in ilaa 60 qof oo rayid ah lagu dilay tuulada Karma oo u dhow xadka waddanka dariska la ah ee Mali.

Dacwad-oogaha degaanka ayaa shaaciyay in lagu wargaliyay weerarka Jimcihii lasoo dhaafay, isagoo intaa ku daray inay fuliyeen dad ku labisan dareeska ciidamada. Waxa uu codsaday xog dheeri ah.

Dadka ka badbaaday weerarka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in in ka badan 100 qof oo saarnaa mootooyin iyo baabuurta xamuulka ay weerareen tuulada.

Horaantii todobaadkii hore, ciidamada Burkina Faso iyo dagaalameyaal mutadawiciin ah ayaa ayaa lagu beegsaday isla gobolka gaar ahaan meel u dhow magaaladda Ouahigouya.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda laga helay dadka degaanka iyo illo wareedyo milatari, waxaa weerarkaas ku dhintay ku dhawaad ​​40 qof in ka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Kumanaan qof ayaa la dilay tan iyo markii ay xoogaga Islaamiyiinta ka bilaabeen deegaankaas sannadkii 2015-kii. Burkina Faso ayaa la daalaa-dhaceysa sidii ay u xakameyn lahayd falalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM