In ka badan toddobaatan askari oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Niyad jabka ka dhashay in dowladdu ay joojin weydo rabshadaha ayaa sababay laba afgambi sannadkii hore.

NAIROBI, Kenya - Kooxda Daacish ayaa sheegatay inay dishay in ka badan 70 askari, tiro kalena ay ku dhaawacday, shan kalena ay kaxaysteen, kadib weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen kolonyo ciidan oo ku sugnaa waqooyiga Burkina Faso.

Bayaanka oo Jimcihii ay daabacday Amaq, oo ah wakaaladda wararka ee kooxda, ayaa lagu sheegay in ay weerartay kolonyo ay isku dayeen in ay ku sii socdaan deegaannada ay ka taliyaan ee u dhow Deou, ee gobolka Oudalan ee Sahel.

Sawirro ay soo bandhigeen kooxdan ayaa muujinaya 54 meyd ah oo la dilay oo ku labisan dareeska ciidamada. Sidoo kale, waxaa jira in ka badan 50 qori oo ay gacanta ku dhigeen iyo sawirada shanta askari ee ay sheegeen in maxaabiis ahaan loo qabtay.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay hal todobaad kadib markii weerar noocaan oo kale uu ka dhacay aagga Deou iyo maalmo kadib weerar kale oo ka dhacay magaalada Tin-Akoff.

Weerarkii Tin-Akoff ayaa dadka deegaanka iyo kooxaha bulshada rayidka ah waxay sheegeen in tobanaan kale oo askar iyo rayid ah lagu dilay markii fariisin ciidan lagu weeraray.

Ma cadda inta qof ee lagu dilay labada weerar. Toddobaadkii hore ayay dawladdu xaqiijisay in 51 askari ay ku dhinteen weerarka gaadmada ah ee Deou, laakiin kama aysan jawaabin codsiyada lambarada cusub ama kama hadlin weerarka Tin-Akoff.

Rabshadaha xiriirka la leh al-Qaacida iyo kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa dalka ka dhacayey muddo toddobo sano ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof, kuna barakaceen ku dhawaad ​​2 milyan oo qof.

Niyad jabka ka dhashay in dowladdu ay joojin weydo rabshadaha ayaa sababay laba afgambi sannadkii hore, mid kasta oo ka horna waxaa dhacay weerar culus oo lagu qaaday ciidamada kaasoo galaaftey nolosha tobanaan kuna qaxeen kumanaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM: Ciidamada Eritrea waxay gobolka Tigray kasii wadaan Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha

“Xorriyadda iyo mas'uuliyad darrada ayaa sii xoojineysa kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayey tiri Brands-Kehris.

  • Afrika

    01-03-2025

  • 02:46PM

Sudan oo u yeertay safiirkeeda Kenya kadib Shirkii RSF ee Nairobi

Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum.

  • Afrika

    21-02-2025

  • 12:37PM