Isbaheysiga rayidka ee Suudaan ayaa diidey heshiiska dib loogu soo celinayo RW Hamdok
Isbaheysiga rayidka ee ugu weyn Sudan ee awooda la wadaagey militariga dalkaas ayaa sheegay Axadii in aysan aqoonsaneyn heshiis dib loogu soo celinayo Ra’iisul Wasaarihii la afgembiyey Abdalla Hamdok, sida ay sheegtay Anadolu Agency.
"Waxaan cadeyneynaa mowqifkeena cad oo horey loo shaaciyey: gorgortan la gali mayno, ma jirto wax shuraako ah iyo sharciyad au leeyihiin ciidamada inqiliabaka ku qabsadey Sudan," Isbaheysiga Xoriyadda iyo Isbeddelka (FFC) ayaa ku yiri bayaan.
Labo ilo oo ka tirsan xukuumadda la kala diray ayaa mar sii horreysay u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu in Hamdok dib loo soo celin doono, toddobaadyo kaddib markii ay militariga ceyriyeen.
Ilahan oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in Hamdok uu habeenimadii Sabtida la kulmay madaxa golaha militariga ee haya talada Sudan Gen. Abdul Fattah al-Burhan, waxayna isku afgarteen soo celinta ra'iisul wasaaraha xilka laga tuuray iyo in la sii daayo dhamaan maxaabiista.
Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Hamdok uu soo dhisi doono "Gole wasiiro ah oo farsamo"islamarkaana ogolaansho ballaaran ka haysta dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ah ee saxiixay heshiiska nabada ee Juba.
Ilo-wareedyada, ayaa sheegay in wada-hadallo ay dhexmari doonaan ciidamada iyo dhammaan kooxaha siyaasadda Suudaan, marka laga reebo xisbigii hore ee talada dalka hayay ee madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cumar Al-Bashiir, si la iskula meel dhigo arrimo kale oo ay ka mid tahay in dib u eegis lagu sameeyo ku dhawaaqista dastuurka ee Sudan iyo kala guur siyaasadeed.
Oct. 25, al-Burhaan waxa uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah waxana uu kala diray golihii ku meel gaadhka ahaa ee xukuumadda iyada oo ay jiraan mudaaharaadyo iska soo horjeeda iyo eedeymo u dhexeeya militariga iyo siyaasiyiinta dalka.
Al-Burhaan ayaa ku adkeystay in tillaabooyinkan looga gol leeyahay in dalka laga ilaaliyo "khatarta ku soo fool leh" wuxuuna ku eedeeyay kuwa diida tillaabadii uu qaaday inay yihiin "qaswadayaal."
Kahor inta uusan militarigu la wareegin Suudaan waxaa maamulayay gole madax banaan oo ka kooban militariga iyo saraakiil rayid ah kaas oo kormeerayay xilliga kala guurka ilaa laga gaarayo doorashooyin 2023 taasoo qayb ka aheyd heshiis awood-qeybsi ah ee u dhaxeeyay militariga iyo Midnimada Xoogaga Xoriyadda.
GAROWE ONLINE