Isku-dhacyo qowmiyadeed oo kasoo cusboonaadey Jabuuti

Image
Wasirka arrimaha gudaha Jabuuti, Saciid Nuux Xasan ayaa si adag uga jawaabay qulqulatooyinkan. [Screenshot Photo]

DJABUUTI, Jabuuti - Dowlada Jabuuti ayaa si adag u dhaleeceysay isku-dhac dhimasho sababay kaasoo lasoo wariyey in saacadihii lasoo dhaafay caasimadda DJibuuti ku dhexmaray qoomiyadaha Soomaalida iyo Canfarta.

Wasirka arrimaha gudaha, Saciid Nuux Xasan oo si adag uga jawaabay qulqulatooyinkan laga soo wariyey xaafado ka mid ah magaala madaxda ayaa carabka ku adkeeyay "in aan loo dul qaadan karin isku dhacyada".

Xasan oo sheegay "in arrintn ay halis ah ku tahay Jamhuuriyadda Jibuuti" ayaa xaqiijiyey in ay soo gaareen warar ku saabsan in qaar kamid ah dadku "ay gubeen Aqallo dda shacab ah ay lahaayen.

"Maanta arrin halis ah ayaa dhacay in Aqalladii dadku lahaayen shicibku lahaayen la' gubo arrinka aarrin ay dowladdu u dul qaadanayso maaha," ayuu ka sheegay telefishinka ku hadla afka dowladda uu hogaamiyo Ismaaciil Geelle.

Xasan oo baaq u diray dadweynaha gaar ahaan waalidiinta ayaa intaa ku daray "in wiixi maanta ka dambeeya ay dowladdu gacan adag ku qaban doonto dadka ku dhiirada rabshadahan oo kale".

"Waxaan leeyahay waalidiinta inay fidnada dhagaxtuurka ka bilaamaya oo aan carruur ku koobneyn ee lagu daba jiro,waxaan ku wargelinayaa inay carruutooda ka adkaadaan sababtoo ah dowladdu wixii manata ka dambeeya fara adag ayay ku qabanaysaa arrinka adowladdu," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Idaacadda laanta afka Soomaaliga BBC-da ayaa waxay warisay "muuqaallo laga soo duubay shaqaaqooyinka ka dhacay magaalada Jabuui la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray kadib markii guryo dab la qabadsiiyay".

Colaadda soo cusboonaatay ayaa laga soo wariyey duleedka degmada Garba-ciise halkaasoo ay wadda degaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta. Illaa haatan si rasmi ah looma soo warin waxyeeladda geeri iyo dhaawacba.

Sikastaba ahaatee, Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaannada ay ku muransan yihiin sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan labada deegaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay in ay sii wadi doonto la dagaalanka kooxda AS

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeystay in ay doorkooda difaacan doonan.

  • Afrika

    16-11-2024

  • 07:36AM

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal kasoo yeeray dowladda Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa muujisay "sida ay uga xun tahay" hadalkaas.

  • Afrika

    15-11-2024

  • 07:45AM