Ismaaciil Geelle oo loo dhaariyey xilka madaxweynaha Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image

DJABUUTI, Jabuuti - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Sabtida maanta ah waxaa loo dhaariyey jagada hogaanka dalkaas markii shanaad oo xiriir ah.

Soomaaliya waxaa ku metelayay xafladda ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble. Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaana ka baaqdey sababo aan la xusin.

Talaabadan ayaa waxay dibadda u soo saartey xiriirka qalafsan ee maamulka Farmaajo kala dhaxeeya hogaamiyeyaasha dalalka Geeska Afrika gaar ahaan wadamadda Jabuuti iyo Kenya.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo si weyn ugu dhow Farmaajo, madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo hogaamiyeyaal kale oo ka socday dalal kala duwan ayaa kasoo muuqdey.

Geelle oo 73-sano jir ayaa bishii April, 2021 ku guuleystay doorashooyinkii Jabuuti isaga oo labinta ku leh 98% wuxuuna ka guuleystay musharaxa kaliya ee la tartamaayey Sakariye Ismaaciil Faarax.

Kadib isbedel lagu sameeyay dastuurka Jabuuti ayaa Geelle waxay u suurtagalisay in uu markii shanaad tartamo maadaama Axdiga Qaran uu xeerinayo in madaxweynuhu noqdo kaliya 72-jir.

Jabuuti ayaa waxaa saldhigyo waaweyn ku leh qaar kamid ah dalalka ugu tunka weyn aduunka sidda Mareykanka iyo Shiinaha waxaana ugu wacan marinka muhiimka ah ee ay kaga taalo Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM