Itoobiya iyo Eritrea oo diiday in gargaarka la gaarsiiyo Tigray
ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom, ayaa sheegay in dhibaato bini’aadantinimo oo weyn ay ka taagan tahay gobolka Tigray ka dib markii ciidamada daacadda u ah Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ay go’doomiyeen gobolka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, Dr. Tedros Adhanom, oo ka soo jeeda Itoobiya, ayaa sheegay in waddooyinka waaweyn ee laga soo galo Tigray ay xireen ciidammada Difaaca Qaranka Itoobiya [ENDF] iyo dhiggooda Eritrea dhowrkii bilood ee u dambeeyay.
Wuxuu sheegay in gobolka Tigray uu hadda gabi ahaanba ka xiran yahay caalamka intiisa kale, isagoo xusay in qalalaasahaas uu sababi karo dhimashada kumanaan qof. Wuxuu ku dhaleeceeyay Addis Ababa in ay gaajo u adeegsato qalab dagaal.
"Tigraay waxay qarka u saaran tahay masiibo bini'aadantinimo oo weyn haddii aan la joojin go'doominta, gobolka waxaa xirtay Eritrea iyo Ciidamada Itoobiya muddo sanad ka badan ayuu yiri, isaga oo hadalkiisa ku daray. "Raashin la’aan, dawo la’aan, Shidaal la’aan, Lacag la’aan, Warbaahin iyo Isgaarsiin la’aan. Gaajo waa in waligaa ha loo isticmaalin hub dagaal".
Ciidamada Itoobiya ayaa tan iyo Noofambar 2020 dagaal kula jiray ciidamada Difaaca Tigray [TDF], dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda ayaan mira dhalin. ENDF waxaa gacan siinaya ciidamada Eritrea iyo kuwa ka soo jeeda gobolada Amxaarada iyo Canfarta ee Itoobiya.
Inkastoo Abiy Axmed uu ballan qaaday inuu qaban doono shir dib u heshiisiin ah oo dhexmari doona Addis Ababa iyo Mekelle, haddana dadaallada socda ayaan weli guulayso. Kumanaan qof ayaa la dilay tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadka halka malaayiin ay ku barakaceen.
TDF ayaa ku eedaysay dowladda Itoobiya in ay gaajo u adeegsato qalab dagaal balse maamulka Addis Ababa ayaa marar badan beeniyay sheegashadaas.
Jabhadda TDF waxay qabsatay magaalooyin badan oo ku yaala gobolada Axmaarada iyo Canfarta balse waxaa in ay dib ugu laabtaan difaacdo dhulkeeda dib maalmo uu socday dagaal uu hoggaanka u haayay Abiy Ahmed.
Getachew Reda, oo ah afhayeenka TDF, ayaa sheegay in Abiy Axmed iyo hogaamiyaha Tigray Debretsion aysan wali kulmin tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in laga yaabo in labada dhinac ee iska soo horjeeda ay ku kulmeen colaada ka jirta dalka.
"Marka loo fiiriyo: ma jirin wada hadal taleefoon oo dhexmaray Debretsion iyo Abiy Axmed 18-kii bilood ee la soo dhaafay.
Ilahan kala duwan ee Tom Gardner xigashooyinku waa, waa inay xogtooda ka soo saareen hawo khafiif ah. Ciyaaraha la midka ah ayaa aad u badan ku badan tahay Addis," ayuu xusay.
Maraykanka ayaa waxa uu uga digay Eritrea in ay ciidamo u dirto Tigray-ga, xitaa waxa uu horay ugu sii socday in uu tiro saraakiil ah saaro cunaqabatayn. Abiy Axmed ayaa sanadkii 2019 ku guuleystay biladda nabadda ee Nobel Peace Prize, balse waxaa intii uu xilka hayay dagaalka ku dhintay kumaan qof.
GAROWE ONLINE