Itoobiya iyo Kenya oo kala saxiixdey heshiis cusub

Image
Heshiiska ayaa, sida ay ku doodayaan falanqeeyayaashu, wuxuu dhiiragelinayaa ganacsatada yar-yar.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Federaalka ee Itoobiya iyo dowladda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis ganacsi kaasoo hadda la saadaalinayo in hagaajin doono xiriirka baayac-mushtarka ee labadan dal deriska ah.

Toddobaadkii la soo dhaafay, hoggaamiyeyaasha labada dal ayaa Addis Ababa ku saxiixay heshiiskan magaalada xuduudka dhacda ee Mooyaale, kaas oo labada dal u horseedi kara tartan dhinaca ganacsiga ah.

Heshiiska, falanqeeyayaashu waxay ku doodayaan, in uu dhiiragelinayo ganacsatada yar-yar si gaar ah ganacsiga xuduudka oo sanadihii lasoo dhaafay wajahaayey dhibaatooyin iyo xanibaadyo.

Intaa waxaa dheer, heshiisku wuxuu sidoo kale gacan ka geysan doonaa is-waafajinta Kenya iyo maamullada ganacsiga Itoobiya, gaar ahaan wax soo saarka beeraha, si loogu oggolaado muwaadiniinta labada dal inay ganacsi ka sameeyaan xuduudda ka baxsan.

Xoghayaha maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha, Wilson Njenga, ayaa hoggaaminayay wafdiga Kenya ee gaaray Addis Ababa. Wuxuu sheegay in heshiiska cusub uu yahay tallaabo horay loo qaaday oo lagu hormarinayo ganacsiga xuduudaha iyo isu socodka dadka.

"Munaasabadda maanta waxay calaamad u tahay guul muhiim u ah maareynta xuduudaheena maaddaama ay tahay gunaanadkii shirarka iyo wada -tashiyada u dhexeeya labadeena dowladood si loo hubiyo in Mooyaale One's Stop Border Post [OSBP] uu shaqeynayo," Mr. Njenga ayaa yidhi.

Kenya iyo Itoobiya ayaa si joogto ah u wada shaqeynayay tan iyo markii ay xornimada qaateen. Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed waxay horey u sii dhaqaajinayaan cilaaqaadkaas taariikhiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM