Itoobiya iyo Turkiga oo kala saxiixdey heshiisyo muhiim ah

Image
Abiy oo Arbacadii ka degay Ankara iyo Erdogan ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyada.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladaha Itoobiya iyo Turkiga ayaa waxay kala saxiixdeen iskaashi maaliyadeed oo dhanka biyaha iyo milateri, sida ay ku warantay wakaaladda wararka u faafisay xukuumadda Addis Ababa ee FANA.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo Arbacadii ka degay magaaladda Ankara iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa goobjoog ka ahaa xafladda ay labada dal ku kala saxiixdeen heshiisyada muhiimka ah.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Redwan Hussein iyo Wasiirka Difaaca Dr. Kenea Yadeta ayaa kala saxiixday heshiiska "istaraatiijiga ah" ayaga oo matalaya dowladda federaalka Itoobiya.

"Heshiisyada aan saxiixnay waxay muhiim u yihiin xoojinta xiriirka Itoobiya iyo Turkiga. Waxaan u mahadcelinayaa taageerada Turkiga ee horumarka iyo xasiloonida Itoobiya ee sii socota," ayuu yiri Abiy.

Erdogan ayaa "bogaadiyay xiriirka laba geesoodka ah u dhexeeya labada dal oo dib u xaqiijinaya sida ay uga go’an tahay in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer sare oo dhinacyo badan oo iskaashi ah".

Abiy Axmed oo maanta soo gabagabeeyay socdaalkiisa Turkiga ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ku qoray "Itoobiya marnaba ma hilmaami doonto iskaashiga xilliyada adag ay noo fidiyeen shacabka Turkida".

Ethiopia ayaa wajahaysa cadaadis caalami ah taasoo ka dhalatay howlgalka maamulka Abiy ku qaadey gobolka Tigray halkaasoo lasoo wariyey in ay ka dhaceen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda bini'aadanimada iyo dambiyo dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM