Itoobiya iyo Turkiga oo kala saxiixdey heshiisyo muhiim ah

Image
Abiy oo Arbacadii ka degay Ankara iyo Erdogan ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyada.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladaha Itoobiya iyo Turkiga ayaa waxay kala saxiixdeen iskaashi maaliyadeed oo dhanka biyaha iyo milateri, sida ay ku warantay wakaaladda wararka u faafisay xukuumadda Addis Ababa ee FANA.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo Arbacadii ka degay magaaladda Ankara iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa goobjoog ka ahaa xafladda ay labada dal ku kala saxiixdeen heshiisyada muhiimka ah.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Redwan Hussein iyo Wasiirka Difaaca Dr. Kenea Yadeta ayaa kala saxiixday heshiiska "istaraatiijiga ah" ayaga oo matalaya dowladda federaalka Itoobiya.

"Heshiisyada aan saxiixnay waxay muhiim u yihiin xoojinta xiriirka Itoobiya iyo Turkiga. Waxaan u mahadcelinayaa taageerada Turkiga ee horumarka iyo xasiloonida Itoobiya ee sii socota," ayuu yiri Abiy.

Erdogan ayaa "bogaadiyay xiriirka laba geesoodka ah u dhexeeya labada dal oo dib u xaqiijinaya sida ay uga go’an tahay in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer sare oo dhinacyo badan oo iskaashi ah".

Abiy Axmed oo maanta soo gabagabeeyay socdaalkiisa Turkiga ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ku qoray "Itoobiya marnaba ma hilmaami doonto iskaashiga xilliyada adag ay noo fidiyeen shacabka Turkida".

Ethiopia ayaa wajahaysa cadaadis caalami ah taasoo ka dhalatay howlgalka maamulka Abiy ku qaadey gobolka Tigray halkaasoo lasoo wariyey in ay ka dhaceen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda bini'aadanimada iyo dambiyo dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Martha Karua oo laga masaafuriyay Tanzania iyadoo dooneysay inay daawato maxkamadeynta Tundu Lissu

Waxaa muuqata in xiisadda siyaasadeed ee Bariga Afrika ay sii xoogeysaneyso xilli ay soo dhow yihiin doorashooyin kala duwan oo muhiim ah.

  • Afrika

    19-05-2025

  • 07:52AM

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM