Itoobiya oo beenisay hub kiimiko lagu adeegsaday Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dawladda federaalka ee Itoobiya ayaa beenisay wararka sheegaya in ciidamada difaaca qaranka ee Itoobiya [ENDF] ay hub kiimiko ah u adeegsadeen gobolka Tigreega, halkaas oo ciidanka qaranku ku hogaaminayeen hawlgallo ka dhan ah Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray ee loo yaqaano TPLF.

Warbixin ay daabacday Telegraph oo uu soo diray Will Brown, oo ah Weriyaha Bariga Afrika, ayaa muujisay in ciidanku "ay argagax geliyeen dadka rayidka ah iyagoo adeegsanaya hubka wax gumaada, oo qaarkood ay mamnuucday Qaramada Midoobay".

Muuqaaladda haweenka iyo carruurta oo "lagu gubay wax u muuqda hubkaas kiimiga ah" waxaa daabacay qaar kamid ah wargeysyada caanka ah, taas oo muujineysa aragtida ku saabsan xadgudub ballaaran oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha kana dhacdey Tigray, gobol uu ku xoogan yahay gooni u goosadku Itoobiya.

Laakiin bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ku eedeeysay Telegraph inay horseed u tahay "olole sumcad dil ah", iyadoo ku doodaysa in waddanku uusan waligiis hub noocaas ah ku isticmaalin gudaha iyo dibedda, waxayna intaas ku dartay in Addis Ababa ay ixtiraamayso heshiisyada caalamiga ah.

"Wasaaraddu waxay jeceshahay inay si cad u diiddo eedeymaha. Itoobiya kuma shaqeyn oo waligeed ma adeegsan doonto saanad milateri oo mamnuuc ah maxaa yeelay waxay si dhab ah u tixgelinaysaa waajibaadkeeda caalamiga ah. Itoobiya waxay sidoo kale si adag u cambaareyneysaa adeegsiga hubka kiimikada meelo kale," ayaa lagu yiri qoraalka.

Xilli ay tibaaxdey in warbixinta aysan caddeyn waddan, bayaanka ayaa la raaciyey: "Wasaaraddu waxay horay uga sii digtay bulshada caalamka daabacaadda warbixin ceynkaan oo kale ah oo mas'uuliyad-darro ah taas oo sii hurineysa xiisado hor leh".

Ciidamada ENDF iyo Eriteriya waxay baacsanayeen dagaalyahanada TPLF laakiin warar badan oo soo baxaya ayaa sheegaya in kumanaan rayid ah lagu dilay dagaalka. Waxaa jiray baaqyo ku aadan in ciidamada Eritrea laga soo saaro Tigray laakiin wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa muujinaya in wali aysan hayaamin.

Axadii, Xoghayaha Arimaha Dibadda Antony Blinken wuxuu soo saaray xayiraad socdaal oo uu ku soo rogayo dad aan la magacaabin oo qeyb ka ah colaada wuxuuna ku booriyay wadamada kale inay ku daydaan. Itoobiyada hogaamiyo Abiy Ahmed waxaa kusii kordhaya cadaadiska ku aadan xormeynta xuquuqda aadanaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM