Itoobiya oo codsatay shir ay isugu yimaadaan madaxda IGAD

Image
Hogaamiyeyaasha Jabuuti iyo Kenya ayaa lagu waramay in wali aysan diidmo ka muujin qabsoomida kulankan.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay Jabuuti oo ah guddoomiyaha IGAD inay isugu yeerto shir madaxeedka caadi ah oo looga hadlayo arrimaha gobolka, sidda ku xusan war qoraal ah.

Mawduuca arrimaha gobolka ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu yahay ama ku jiro khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii ay soo shaac-baxdey in Itoobiya iyada oo sii maraysa Jabuuti ay raadinayso shir la mid ah kulankii Kampala ka dhacay 18-kii Jannaayo.

Shir-madaxeedkaas ay marti-gelisay dowladda Uganda ayaa waxaa ka baaqday ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaasoo qiil ka dhigtay inuu buuxo jadwalkiisa kulamadda.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa codsiga Itoobiya kala hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida laga soo xigtay warqadaha la diray, Kenya iyo Jabuuti waxay u muuqdaan kuwo aan waxba ka qabin shirka. Hase ahaatee, illaa haatan si dhab ah loogga mowqifka ay qaadan doonto Soomaaliya.

Itoobiya ayaa la aaminsan yahay in ay raadineyso fursad ay uga soo kabato dharbaaxada diblumaasiyadeed ee ay la kulantay tan iyo markii ay is-afgaradka buuqa dhaliyay la gaartey maamulka Muuse Biixi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM