Itoobiya oo dhameystirtey buuxinta 2aad ee biyo-xireenka Nile
ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa dhameystirtay buuxinta biyo xireenka weyn ee muranka badan dhaliyay ee wabiga Blue Nile sanadkii labaad, sidda ay ka dhawaajisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.
Talaabada ayaa waxay si weyn ugu badan tahay inay ka careysiiso wadamadda Masar iyo Suudaan oo iyagu muddo dheer diidanaa mashruucan ay maalgelineyso dowladda Shiinaha.
Addis Ababa waxay sheegtay in biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam [GERD] oo ah mashruuc biyo galinta quwada korontada ku kacaya $4 bilyan ay muhiim u tahay horumarintiisa dhaqaale iyo in la helo awood.
Hase ahaatee, mashruuca ayaa wuxuu sababay walaac la xiriira biyo la’aanta iyo nabadgelyada ee gudaha Masar iyo Suudaan oo si weyn ugu tiirsan biyaha Niilka.
Labada dalba waxay ku baaqeen in la sameeyo heshiis sharci ah inta aan la bilaabin howlaha biyo xireenka, laakiin iskudayo la doonayay in lagu dhex dhexaadiyo ayaa lagu guuldareystay, iyadoo walaac laga muujinayo in xiisadaha ay sii kici karaan kadib markii lagu dhawaaqay.
Masar waxay u aragtaa mashruucan mid khatar weyn ku ah biyaha ay ka hesho wabiga Nile, taas oo ay gebi ahaanba ku tiirsan tahay. Suudaan ayaa sidoo kale walaac ka muujisay amaanka biya xireenka iyo saameynta ay ku yeelan karto biya xireenkeeda iyo xarumaha biyaha.
Horraantii bishii Luulyo, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay wuxuu taageeray dalab ka yimid Midowga Afrika oo ahaa in uu u kala dabqaado labada waddan isla markaana miiska wadaxaajoodka lagu soo laabto.
Mareykanka ayaa horey uga digay in buuxinta biya xireenka Itoobiya ay leedahay awood ay ku kicin karto xiisadaha, iyadoo dhanka kale ku boorisay dhamaan dhinacyada inay ka waantoobaan ficil kasta oo hal dhinac ah.
GAROWE ONLINE