Itoobiya oo dib u dhigtay Aftida gobol madax banaani doonaya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Mas'uuliyiinta Itoobiya ayaa dib u dhigay Afti lagu wadday in Talaadadii loo qabto bulshadda ku nool is-maamulka Sidama.

Aftidaas ayaa waxaa uu qorshuhu ahaa in ay ay ugu coddeyaan in gobolkooda uu noqdo maamul goboleed si madax banaan ay isku maamulaan dadkiisa.

Warbixin kasoo baxday Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha ayaa waxaa daboolka looga qaaday in Aftida ay qabsoomi doonto 20-ka November.

Sababta keentay dib u dhaca ayaa waxaa lagu sheegay diyaar-garow iyo arrimo farsamo oo ku xeeran qaabka ay u qabsoomeyso Aftida oo aad isha loogu hayo.

Hadii ay ku guuleystaan Aftidan, Sidama ayaa noqon doono maamul goboleedka 10aad ee madax banaan kaasoo ka jira dalka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Siyaasiyiinta ku nool gobolkan ayaa waxay aad ugu olaleeyeen arrintan, iyaga oo cadaadiyey xukuumadda Addis Ababa kahor inta aysan banaanbaxyo dhigin.

"Waxaan diyaarin doonaa 17,000 oo goobo cod-bixin iyo 8,500 oo mas'uuliyiin oo ka shaqeyn doono Aftida," ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga Doorashooyinka.

Ugu yaraan sideed qowmiyado ayaa waxay wada degaan Itoobiya, oo ah dal ay dadkiisu gaarayo 105 milyan, kuwaas oo raadinaya is-maamul madax banaan.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Cali oo lagu abaalmariyey biladda nabadda aduunka, ayaa ku muteystay isbedelka gudaha iyo dibadda oo ay ku jirto nabadda Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM