Itoobiya oo diidey ka qeybgalka shir-madaxeedkii IGAD ee Uganda

Image
Kulankan ayaa waxaa looga hadli lahaa heshiiskii buuqa dhaliyey ee Addis Ababa iyo Hargeysa.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dawladda Itoobiya ayaa diiday ka qeybgalka shirka IGAD ee looga hadli lahaa Heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland ee dhaawacayay Madax banaanida Soomaaliya.

Kulankan ay IGAD u iclaamisay Fadhi deg deg ah ayaa ka dhici lahaa magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Addis Ababa ayaa sababta maqnaanshaheeda ku sababeysay in Jadwalkeeda booqashooyinka ee maalmaha shirka uu yahay mid buuxa, oo aysan suuragal u aheyn, balse ay wada hadal diyaar u noqon karto xiliyo kale.

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli ay soo baxayeen maalmihii lasoo dhaafay in Itoobiya ay sameysay dadaalo ay ku burburineyso shir-madaxeedkan balse fashilmeen.

Dhinaca kale, go’aanka Itoobiya ayaa wuxuu yimid xilli Suudaan ay xariirka u jartay Ururka IGAD sababo ku aadan in madasha lagu casuumay Hoggaamiyaha ciidanka gurmadka deg deg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM