Itoobiya oo fulinaysa qorshe liddi ku ah Facebook iyo Twitter

Image
Talaabadaan ayaa sidoo kale waxay galaafan kartaa shirkadahan WhatsApp iyo Zoom.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay sameysato baro bulsho oo u gaarka ah ka dib markii ay ku eedeysay shirkadaha caalamiga ah sida Facebook inay kasoo horjeedaan danaha dalka.

Agaasimaha Wakaaladda Amniga Shabakadda Warfaafinta ee dawladda, Shumete Gizaw, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in Facebook iyo Twitter ay noqdeen aalad ay adeegsadaan xoogagga siyaasadeed.

Shirkadahan ayuu tibaaxay in ay xayireen akoono qaar ayna masaxeen qoraalo kale. Balse, ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan akoonadan iyo qoraalada uu xusay in meesha laga saarey.

Kahor doorashooyinka bisha Juun, Facebook ayaa sheegtay inay ka saartay shabakadeeda akoonno been abuur ah oo ku xirnaa hay'adaha dowladda ee u xilsaaran dabagalka isgaarsiinta iyo internet-ka.

Mr Shumete ayaa sidoo kale wuxuu daaha ka rogay in Itoobiya ay horumarinayso aalado beddeli kara barnaamijka farriinta ee WhatsApp iyo aaladda fogaan aragga ah ee maqal iyo muuqaalka isugu jira ee Zoom-ka.

Baraha bulshadda ayaa kaalin weyn ka cayaaray isbedeladii ka dhacay Itoobiya saddex sano kahor taasoo uu xukunka ku qabsadey Abiy Axmed Cali. Ra'iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu hadda wajahayaan kacdoon aad u xoogan.

Kacdoonkas oo qeyb kamid ah kaga imaanaya bulshada uu kasoo jeedo Oromada ayaa gulufka culus wuxuu kaga imaanayaa gobolka Tigray halkaasoo dagaalo qaraar ay ka socdaan tan iyo bishii Novembe ree sanadkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM