Itoobiya oo fulinaysa qorshe liddi ku ah Facebook iyo Twitter

Image
Talaabadaan ayaa sidoo kale waxay galaafan kartaa shirkadahan WhatsApp iyo Zoom.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay sameysato baro bulsho oo u gaarka ah ka dib markii ay ku eedeysay shirkadaha caalamiga ah sida Facebook inay kasoo horjeedaan danaha dalka.

Agaasimaha Wakaaladda Amniga Shabakadda Warfaafinta ee dawladda, Shumete Gizaw, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in Facebook iyo Twitter ay noqdeen aalad ay adeegsadaan xoogagga siyaasadeed.

Shirkadahan ayuu tibaaxay in ay xayireen akoono qaar ayna masaxeen qoraalo kale. Balse, ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan akoonadan iyo qoraalada uu xusay in meesha laga saarey.

Kahor doorashooyinka bisha Juun, Facebook ayaa sheegtay inay ka saartay shabakadeeda akoonno been abuur ah oo ku xirnaa hay'adaha dowladda ee u xilsaaran dabagalka isgaarsiinta iyo internet-ka.

Mr Shumete ayaa sidoo kale wuxuu daaha ka rogay in Itoobiya ay horumarinayso aalado beddeli kara barnaamijka farriinta ee WhatsApp iyo aaladda fogaan aragga ah ee maqal iyo muuqaalka isugu jira ee Zoom-ka.

Baraha bulshadda ayaa kaalin weyn ka cayaaray isbedeladii ka dhacay Itoobiya saddex sano kahor taasoo uu xukunka ku qabsadey Abiy Axmed Cali. Ra'iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu hadda wajahayaan kacdoon aad u xoogan.

Kacdoonkas oo qeyb kamid ah kaga imaanaya bulshada uu kasoo jeedo Oromada ayaa gulufka culus wuxuu kaga imaanayaa gobolka Tigray halkaasoo dagaalo qaraar ay ka socdaan tan iyo bishii Novembe ree sanadkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM