Itoobiya oo markii ugu horeysay yeelanaysa Ra'iisul Wasaare Muslim ah

Image

ADDIS ABABA - Dr. Abiy Ahmed, oo ah Siyaasi caan ah ayaa ku guuleystay doorashada Gudoomiyaha Xisbiga Talada-haya ee dalka Itoobiya EPRDF, kadib markii uu xilkaasi iska casilay Hailemariam Desalegn bishii lasoo dhaafay.

Ninkan oo asal ahaan kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa horey usoo noqday Wasiirka Seyniska iyo Tiknoolojiyada dalka Itoobiya sanadkii 2016, waxaana uu Shahaadaha PhD 2017 Addis Ababa University.

Wargeyska Asharq Al-Awsat sheegay in Dr. Abiy Ahmed ay iska dhaleen Aabe Muslim ah iyo Hooyo Christian ah, waxaana uu khibrad badan u leeyahay dhanka amaanka iyo Militeriga, isagoo kasoo mid noqday Ciidamadii Nabad Ilaalinta wadanka Rwanda.

Horey waxa uu gudoomiye uga ahaa Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Oromo ee (OPDO) kahor inta aan loo dooran Gudoomiyaha Xisbiga Talada-haya ee EPRDF.

Doorashadii EPRDF ayaa wadada u xaareysa inuu noqdo Ra'iisul Wasaarahii ugu horeeyay oo Muslim ah oo uu yeesho dalka Itoobiya, waxaana uu bedeli doono Hailemariam Desalegn.

Maadaama uu kasoo jeeda Oromada, oo hadda gobolladooda ay yihiin meelaha ugu daran ee ay ka jiraan dhibaatooyinka dalka Itoobiya, islamarkaana ay ka dhaceen Rabshado sanadihii ugu dameeyay ayay suurta gal ka dhigaysa inuu noqdo Ra'iisul Wasaare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM