Itoobiya oo meesha ka saartey wadahadalo ay ka furto TPLF

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wasiirka dimuqraadiyadda Itoobiya, Zadig Abraha, ayaa meesha ka saarey wadaxaajoodyo ay la galaan hogaanka jabhadda ka dagaalameysa gobolka Tigray.

Ismaamulkan boqolaal ayaa lagu dilay, kumanaan kalana lagu qasbay in ay ka barakacaan guriyahooda tan iyo markii dagaalku ka qarxay ismaamulka bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed, oo ku labisan dareeska ciidanka, ayaa booqday goobta dagaalka ee gobolka Afar, wuxuu kormeeray xarunta hawlgalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee garoonka Semera.

Kormeerkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyada oo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in diyaaradaha Turkiga/Shiinaha ee ka qaybqaata dagaalka ka dhanka ah ciidamada Tigray.

Geesta kale, Jabhadaha Oromada ayaa sheeganaya inay qabsadeen dhowr magaalo, tuulooyin ku yaal Aagga Guji ee gobolka Oromiya kadib markii ay isku dhaceen militariga Itoobiya.

Arrimahan ayaa kusoo beegamaya iyadda oo xukuumadda Addis Ababa ay hay'addo samafal kuna jirto MSF ay ka joojisay in ay ka howlgasho gobolo kan Soomaalida kamid yahay saddex bilood.

Maamulka Abiy ayaa ku eedeeyay hay'adahan gargaarka in ay taageerayaan kooxda ay dagaalka ku jirto. Balse, hay'adduhu waxay gaashaana ku dhufteen sheegashooyinka dowladda federaalka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM