Itoobiya oo qabatay shaqsiyaad la xiriiriyay Al-Shabaab

Image
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Itoobiya ayaa su'aallo waydiineysa latuhunsaneyaashan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Itoobiya ee NISS, ayaa Sabtidii shaacisay in 34 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab la xiray, laguna eedeeyay inay maleegayeen falal argagixisanimo inta lagu guda jiro xilliga fasaxa.

War saxaafadeed ay soo saartay NISS ayaa lagu sheegay in tuhmanayaasha lagu soo qabtay howlgalo amni oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada ammaanka ee gobolka Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya.

“Eedaysanayaashu waxay si qarsoodi ah u maleegayeen oo ay isku diyaarinayeen in ay weeraro argagixiso ka fuliyaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa iyo dowlad goboleedyada Soomaalida iyo Oromia markii la xiray,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Al-Shabaab waxay doorteen xilliyada Ramadaanka Islaamka ee socda iyo xilliyada soonka Masiixiyiinta ee Ortodokska si ay xasilooni darro uga abuuraan Itoobiya iyada oo loo marayo weeraro argagixisanimo, laakiin qorshahaas waxa lagu fashiliyay dabagal iyo hawlgalo ay sameeyeen laamaha ammaanka iyo sirdoonka” ayaa lagu yiri bayaanka oo sii socda.

Bayaanka NISS ayaa sidoo kale lagu sheegay in la qabtay hubka noocyadiisa kala duwan oo isugu jira kuwa yar yar iyo kuwa culculus iyo sidoo kale dukumentiyo akoon oo Bangi ah oo ay wateen tuhmanayaasha kuwaas oo baaritaan dheeri ah lagu samayn doono.

Al-Shabaab waa koox Islaami ah oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, balse waxay sidoo kale ku lug leedahay weerarro argagixiso oo ka dhacay dhowr waddan oo kale oo ku yaalla bariga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM