Itoobiya oo shan milyan warqado ah u direysa Jeo Biden

Image
Ololahan waxaa hormuud u ah garabka dhalinyarada xisbiga talada haya ee Barwaaqo uuna hogaamiyo Abiy Axmed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taageerayaasha Xisbiga Barwaaqada ee haya talada Itoobiya ayaa qorsheynaya inay shan milyan oo warqadood u diraan Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Talaabadan ayaa la sheegay in ay qeyb ka ah ololaha lagu majaxaabinayo siyaasadda maamulka Biden ee ku wajahan dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas gaar ahaan gobolka Tigray.

Qabanqaabiyaasha ololaha "Baqshadaha Cad ee ku qulquleysa Aqalka Cad" ayaa daaran in waraaqaha malaayiin dhallinyaro ah la faafin doono laga bilaabo 25-kaka bishan Sebtembar.

Alemayehu Seifu, oo ah madaxa Awood-siinta Dhallinyarada Itoobiya, ayaa BBC -da u sheegay in dhallinyarada ka soo jeeda deegaannada uu saameeyay dagaalka Tigray - oo qarxay bishii Nofembar ee sannadkii hore - ay wax ka qori doonaan waayo-aragnimadooda iyo "shaqada xun" ee dagaalyahannada lala xiriirinayo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).

"Dowladda Mareykanka waa inay joojiso faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalkeenna. Waa inay wax ka bartaan Afghanistan, Pakistan iyo Libya," ayuu yiri Mr Alemayehu.

Biden iyo hoggaamiyeyaasha kale ee reer galbeedka ayaa ugu baaqayay mas'uuliyiinta Itoobiya inay soo afjaraan dagaalka oo ku fiday gobollada dariska la ah Amxaarada iyo Canfarta.

Kumanaan qof ayaa la dilay, malaayiin ayaa barakacay, halka boqolaal kun ay wajahayaan xaalado macaluul u eg sababo ku aadan gargaarka cuntada oo si-isdaba-joog ah loo xanibay.

Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa dhowr jeer wuxuu ku gacan-seyray soo-jeedino ku aadan dhanka wadahadalo lala galo hogaamiyayaasha TPLF ee dhowaan dib ula wareegay gobolka.

Askarta dowladda Federaalka iyo fallaagada ayaa lagu eedeeyay gabood-fallo badan. Labada dhinacba way inkiraan. Balse, caddeymo ayaa muujinaya in dambiyo dagaal ay jiraan.

Ololaha warqadda ee xisbiga Mr Abiy ayaa ah cambaareyntii ugu dambaysay ee ka dhanka ah hogaanka Mareykanka iyo dowladaha reer galbeedka. Balse, lama ogga in uu shaqeyn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 50 qof oo lagu dilay duqeyn ka dhacdey gobolka Amxaarada

21 kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen, waxaana qaarkood xaaladooda ay halis tahay.

  • Afrika

    09-11-2024

  • 01:52PM

Equatorial Guinea: Mas’uul lagu helay 400 cajalado falal anshax xumo ah

Dadka uu muuqaaladan ka duubay waxaa kamid ah xaaska iyo qaraabada madax ay ku jiraan wasiiro.

  • Afrika

    05-11-2024

  • 07:53PM