Itoobiya: Saddex qalad oo UN-ka tahay in uu ka fogaado
WASHINGTON, USA – Baaqyada Golaha Amaanka Qaramada Midoobay looga dalbanayo in ay faragaliyaan xaalada gobolka waqoyga Itoobiya dhaca ee Tigray ayaa isa soo taraya. Goluhu 11 shir ayuu ka yeeshay colaadan bilaabatay sanad kahor.
Balse, kulan kasta wuxuu kusoo dhamaanayey natiijo la’aan ama hal war-saxaafadeed. Ruusha iyo Shiinaha oo ay taageerayaan Kenya, Nigeria iyo Tunisa ayaa ku doodaya in Itoobiyaanka ay dhexdooda xal rasmi ah gaaraan.
Hadaba, waxaan warbixin faaqidaada ah aan ku eegaynaa saddex qalad oo ay tahay in Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ay ka fogaato si xal waara loogu helo colaadan galaaftey boqolaal kumanaankana ay ku qaxeen.
Sharciyadda
Maadaama dagaal sokeeye yahay sharciyaddana tahay waxa lagu dagaalamayo, golaha ammaanka waa in uu qaadaan talaabooyin dhexdhexaad ah oo horseedaya dhamaadka dagaalka balse haddii dowlada oo sharci ah loo aqoonsado mid aan aqoonsi haysan waxay dhalin kartaa hurin horleh.
Madal siyaasadeed oo loo dhan-yahay si furan loogu dodo xalka waa waxa loo baahan yahay oo dan u ah mustaqbalka dowladnimada Itoobiya iyo guud ahaan qaaarada Afrika.
Daabulida ciidamo
Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa codsadey in si colaadda loo hakiyo loo diro dalkaas ciidamo. Tani waxaa go’aanka ugu dambeeya yeelan doona Midowga Afrika. Balse, mushkiladu ma ahan qabsashadda goobo. Balse, waxaa muhiim ah in la helo u hogaan-samida shuruucda caalamka iyo shacabka Tigray ay helaan taageero bini’aadanimo iyo marin ammaan ah.
Xabad-joojinta waa qeyb kamid ah xalka. U hogaan-samida shuruucda caalamka waa qadiyad kale oo u baahan in la ixtiraamo. Balse, ma ahan in xabad-joojinta lagu xiro shuruud.
Hub ka dhigis iyo maamul ciidan
Dagaalka ilaa hadda wuxuu ku dhamaaday in la abuuro laba ciidan oo iska soo horjeeda. Ciidanka difaaca Tigrayga ayaa gacanta ku dhigay hub aad u badan intii uu socday dagaalka waxaana kamid ah taangiyada, gawaari, iyo baabuurta gaashaaman laakiin sidoo kale hababka gantaalada. Ma jirin ka hor dagaalkan: waxaa la abuuray iyada oo laga jawaabayo.
Ciidankan ayaa hadda u halgamaya sidii ay si buuxda u heli lahaayeen xaqa ay shacabka Tigray-gu u leeyihiin aayo-ka-tashigooda. Tan waxaa ka mid ah gooni u goosad.
Sidaa darted, macquul maaha in wakhtigan laga hadlo hub ka dhigis. Waxa miiska saaran oo dhan waa xakamaynta hubka iyo maaraynta. Dhabahaas waxaa lagu heli karaa heshiis siyaasadeed, wadahadal daahfuran iyo xormaynta fulinta sharciga.
GAROWE ONLINE