Itoobiya: TPLF oo shuruudo adag ku xirtey xabad-joojinta

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Jabhadaha ka jira gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyey in ay waajib tahay in loo aqoonsado inay yihiin dowladda sharciga ah ka hor inta aysan ogolaan xabad joojin kasta.

Bixitaanka ciidamada dalka ay deriska yihiin ee Eriteriya ayaa sidoo kale waxay kamid tahay shuruudaha ku jiray liiskan dheer ee ay soo bandhigeen jabhadahan, sida ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqay xabad joojin hal dhinac ah maadaama jabhaduhu dib ula wareegeen inta badan gobolka ayna baxsadeen saraakiishii dowlada u joogtay ismaamulka.

Dagaal socday sideed bilood oo u dhaxeeyay jabhadda iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof kuwaasoo isugu jira ciidamo iyo boqolaal kale oo dad shacab ah.

In ka badan laba milyan oo qof ayaa barokacay, 400,000na hadda waxaa saameeyey macluul, sida ay sheegtay Qaramadda Midoobay, iyadoo 1.8 milyan oo kalena ay qarka u saaran tahay macluul.

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa markii hore ku tilmaantay xabbad joojinta dowladda Itoobiya mid "kaftan" waxayna wacad ku mareen inay "cadowgooda" ka saari doonaan gobolka oo dhan.

Dhammaan dhinacyada ayaa lagu eedeeyay inay geysteen dilal wadareedyo iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha. Jimcihii, dhowr kun oo askar Itoobiyaan ah oo la qabtay ayaa lagu soo bandhigay jidadka Mekelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM