Jabhadda TPLF oo gaashaanka ku dhufatay warar laga faafiyey

Image
Bishii hore ayay ahayd markii xisbiyada mucaaradka ah ee Tigrayga ay qaadaceen ka qayb galka shir.

NAIROBI, Kenya - Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa beenisay in ay maamul ku meel gaar ah ka dhisteen gobolka waqooyi sida uu dhigayo heshiiskii nabadeed ee la saxiixay bishii November ee sanadkii hore.

Shabakad wararka ee maxali ah ayaa sheegtay in kooxda TPLF ay soo gabagabaysay dhismaha maamul ku meel gaar ah oo ka kooban 28 xubnood, kaas oo u baahan ogolaanshaha dawladda dhexe.

Balse, afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa tibaaxay in maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray la dhisi doono oo kaliya ka dib wada tashiyo dhexmara dhinacyada heshiiska Pretoria.

"Wararka sheegaya in [dawlada ku meel gaarka ah] lagu dhisay Tigray iyada oo aysan Addis ku lug lahayn waa been. Tigray waxay dooneysaa oo kaliya in ay qaybteeda qaadato," ayuu Mr Getachew yiri.

Xisbiyada siyaasadeed ee gobolka ayaa ku baaqaya in la helo dowlad ku meel gaar ah oo loo dhan yahay si ay u maamusho gobolkan kasoo kabanaya dagaaladii sokeeye ee khasaaraha geystay.

Bishii hore ayay ahayd markii xisbiyada mucaaradka ah ee Tigrayga ay qaadaceen ka qayb galka shirka lagu dhisayo dowlad ku meel gaarka ah, iyagoo ku eedeeyay kooxda TPLF inay kaligeed maamulayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM