Jabuuti iyo Itoobiya oo kawada hadlay iskaashi dhinaca dhaqaalaha

Image
Abiy Axmed iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadalo miradhal ah ku yeeshay Addis Ababa.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Talaadadii wuxuu wadahadalo la yeeshay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle kaasoo soo gabagabeeyay socdaal shaqo oo laba casho qaatay oo uu ku tagay dalkan aan badda lahayn.

Warbaahinta Itoobiya ee FANA ayaa warisay in labada hogaamiye ay kawada xaajoodeen arrimo ay kamid yihiin danaha ay wadaagaan. Waa booqashadii labaad ee sanadkan uu Itoobiya ku tago Geelle taasoo muujineysa isu soo dhowaanshiyo.

Abiy oo haatan wajahaya colaada gobolka Tigray iyo madaxwayne Ismaaciil Geelle ayaa isla soo qaaday siyaabaha ay ku xoojin karaa iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dal.

Intaas waxaa dheer, labada hogaamiye ayaa kawada hadlay adkeynta cilaaqaadka dhinaca dhaqaalaha oo ay kamid tahay horumarinta ganacsiga, maalshiga dalagga iyo kordhinta naaxinta kaabayaasha dhaqaalaha dal ee dhaca Geeska Afrika.

Darafyadda dalxiisa iyo tamarta ayaa kamid ah qodobada ay labada hogaamiye kawadahadleen, sida ay warisay warbaahinta FANA oo intaas ku dartey in ay is-dhaafsadeen fahfaahin ku aadan qaabka loosie horumarin karo xiriirka labadda waddan.

Jabuuti ayaa muhiim u ah ilaha dhaqaalaha ee Addis Ababa maadaama Itoobiyaanka ay ku tiirsan yahay dekadaha Jabuutitaanka. Itoobiya waa dal aan bad lahayn waxaana ay sameysatay waddo isku xiraysa labada dal si ay kor ugu qaado dhaqaalaheeda.

Sanadkii lasoo dhaafay, dhaqdhaqaaqa badeecadaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa hoos u dhacay sababo ku aadan dagaalka gobolka Tigray halkaasoo ciidamadda Ethiopia ay ku duuleen si ay meesha uga saaraan xisbiga xukumayey waddankaas in ka badan 30-sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM