Jabuuti oo beenisay warar laga faafiyey caafimaadka Geelle

Image
Madaxweynaha ayaa lagu waramay in uu baaritaan caafimaad u joogo waddanka Faransiiska.

DJABUUT, Jabuuti - Dowlada Jabuuti ayaa waxay gaashaanka ku dhufatay wararka la isla dhex-marayo ee ku saabsan in madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ay aad u liidato xaaladiisa caafimaad.

Xukuumadda Djabuuti oo warbixinadaas ka falcelisay Talaadada maanta ah ayaa intaas ku dartey in macluumaadkaas lagu faafiyey baraha bulshada "ay yihiin kuwa xaqiiqadda ka fog".

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa xaqiijiyey in Geelle uu kaliya xaqiijin ku sameynayo caafimaadkiisa.

Yuusuf oo aan kala caddeyn goobta uu baaritaankaas caafimaad ku marayo Geelle ayaa cuskadey in talaabadan uu u qaadey "sababo la xiriira in uusan wax nasiino ah helin xagaagii horey".

Wararka laga helayo xubnaha ku dhow dowladda Jabuuti ayaa ku waramay in Geelle uu ku sugan yahay Faransiiska halkaasna uu ku barayo baaritaanka dhanka caafimaadka ah.

"Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay. Dhammaan macluumaadka ku saabsan xaaladdiisa caafimaad way ka fog yihiin xaqiiqda," ayuu Yuusuf ku bilaabay hadalkiisa.

Wuxuu raaciyey: "[Madaxweynuhu] wuxuu ku jiraa maalmo fasax ah waxaana uu marayaa baaritaan caafimaad sababo la xiriira nasasho la aan waayo ma uusan dalka ka tagin xagaagii oo dhan".

"Madaxweyne Geelle wuxuu bilaabayaa shaqadiisa maalmo gudahood: ma jirto welwel gaar ah oo la qabo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Yuusuf oo kamdi ah xubnaha aadka ugu dhow Geelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Martha Karua oo laga masaafuriyay Tanzania iyadoo dooneysay inay daawato maxkamadeynta Tundu Lissu

Waxaa muuqata in xiisadda siyaasadeed ee Bariga Afrika ay sii xoogeysaneyso xilli ay soo dhow yihiin doorashooyin kala duwan oo muhiim ah.

  • Afrika

    19-05-2025

  • 07:52AM

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM