Jabuuti oo diidey qorshe uu Mareykanka damacsan yahay

Image
Qorshahan ayaa la xiriira xasaradaha ka oogan gobolka waqoyga Itoobiya dhaca ee Tigray.

JABUUTI, Jabuuti — Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Axada maanta ah waxay shaaca ka dhigtey "in dhulkeeda aan loo adeegsan doonin farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah".

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Jeneral ka tirsan ciidamada Mareykanka uu wareysii uu siiyey BBC-da walaac uga muujiyey saameynta uu dagaalka Ethiopia ku yeelan karo gobolka, islamarkaana ciidamada Mareykanka ee Jabuuti “ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan xasaradda.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku yiri "Jeneraal Willilam Zana, taliyaha saldhigga Lemonier [ee Jabuuti], wuxuu wareysi uu siiyey BBC-da ku sharxay sida ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti ay u fuliyaan howlgallo lagula dagaalamayo argagixisada iyo ilaalinta muwaadiniintooda haddii loo baahdo daad-gureyn".

"Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyey in dhulka Jabuuti loo adeegsanayo farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah. Tani ma dhici doonto sababtoo ah dowladda Jabuuti waxaa ka go’an xiriirka ay la leedahay deriskeeda," ayuu yiri.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Jabuuti ay qadarineyso iskaashiga muhiimka ah ee ay la leedahay Mareykanka, "ayna hubanti tahay in iskaashigan aanu aheyn mid ka dhan dal kasta oo ay noqoto".

Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa inta badan loo adeegsadaa in laga qaado weerarada iyo howlgallada ka dhanka argagixisada, oo laga fuliyo meelo ay ka mid tahay Soomaaliya.

VOA + GO

Related Articles

Madaxweyne Ruto oo Wajir Ka Raalli-gelin Ka Bixiyey Dayacaaddii Lagu Hayey Gobolada Waqooyi Bari

Madaxweyne Ruto oo Wajir Ka Raalli-gelin Ka Bixiyey Dayacaaddii Lagu Hayey Gobolada…

  • Afrika

    02-06-2026

  • 04:07PM

Abiy Ahmed oo codkiisa dhiibtay xilli xisbigiisa loo saadaalinayo guusha doorashada Itoobiya

Goobaha codbixinta ayaa albaabada loo furay 6:00 subaxnimo, iyadoo safaf dhaadheer lagu arkayay meelo badan saacadihii hore ee maalinta.

  • Afrika

    01-06-2026

  • 07:46AM