Kabaashi: Guushu waa ay dhawdahay

Image

KHARTOUM - Ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Suudaan ahna xubin kamid ah golaha madax-banaanida, Gen Shamsudiin Kabaashi Ibraahim Shinto ayaa sheegay in Guusha Milatarigu ay hubaal tahay ayna soo dhawdahay.

Booqasho uu ku tagay saldhiga Milatariga ee (Waadi Sayidnaa) oo ku taala gobalka, Karare ee dalka Suudaan ayuu sidaas sheegay.

Kulan uu halkaasi kula qaatay saraakiisha Saldhigga ayuu sidoo kale ugu duceeyay Askartii, saraakiishii iyo Rayidka ku geeriyooday dagaalka ay kula jiraan xoogaga, Dacm-sariic.

" Waa dagaal xaq waa dagaalka sharafta dhawaana waa lasoo gebo-gebaynayaa kooxda Khaa'imiinta ah ee amar diidka ah" ayuu yiri.

Kabaashi ayaa ah sarkaal dhalinyaro ah oo kasoo jeeda gobalka Nuuba ee bartamaha Suudaan waxaana darajada General u xiray madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Axmed Albashiir isaga oo Kabaashi si fircoon usoo shaax baxay intii Albashiir xilka laga tuuray.

Ninkan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu mawqifka adkaa saraakiisha Milatariga ee in gebi ahaanba la tir-tiro Dacm-sariic.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM