KDF oo gacanta ku dhigtay hub loo waday Al Shabaab

Image
Al Shabaab waxay adeegsanayeen walxaha qarxa si ay u weeraraan bartilmaameedyada.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Difaaca Kenya ee ka howlgala Soomaaliya ayaa fashiliyay weerar qorsheysan oo ay damacsanaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana ay soo furteen 11 qori iyo saraas sida ay maanta khamiisa ah ku warantay warbaahinta Kenaya.

Ciidamada ka howlgala deegaanka Buurajaaji oo dhowr KM u jira xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee Mandheera ayaa haley xogta hubka la galinayay gudaha Kenya ka dibna waxa ay soo qabteen nin la sheegay in uu hubka u waday Al Shabaab.

Wararka ayaa tilmaamaya in tuhmanuhu uu ka tirsan yahay qaybta saadka ee kooxda argagixisada ah.

Waxaa la sheegay in ay qorsheeyeen weerar saf balaaran ah oo ay ku qaadaan ciidamada ka howlgala saldhiga u dhow goobta lagu qabtay.

Waxaa sidoo kale jirtay cabsi laga qabay in Al Shabaab ay hubka ula tallaabaan dhanka Kenya oo ay ka wadaan howlgalo dilal qorshaysan ah.

Ilo-wareedyo ka war-helay howlgalka ayaa sheegay in soo qabashada loo arkay mid weyn oo ay wiiqday qorshayaashii kooxda weerarka damacsaneed.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo heegan sare laga dareemayo qeybo ka mid ah dalka Kenya ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyada ay qorsheynayeen weeraro.

Iyadoo bisha Ramadaan ay dhamaadtahay  islamarkaana roobab laga dareemayo qeybo ka mid ah xadka Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa jirta cabsi laga qabo in argagixisadu in ay weeraraan goobaha dadku ku badanyahay xilliga ciida.

Ammaanka magaalooyinka waaweyn ayaa aad loo adkeeyay si looga hortago qorshayaashaasi.

Al Shabaab waxay adeegsanayeen walxaha qarxa si ay u weeraraan bartilmaameedyada.

Saraakiishu waxay sheegeen in tani ay muujinayso khatarta IED-du in ay weli tahay mid joogto ah oo la beegsan karo masuuliyiinta Kenyaan ah.

Saraakiishu waxay sheegeen in argagixisadu ay ka faa'iidaysanayso istaraatiijiyaddan qiimaha jaban oo ay geynayso meel u dhow xarumaha hawlgalka ama waddooyinka muhiimka ah ee saadka si ay u weeraraan bartilmaameedyadooda.

Tani waxay ka dhacdaa gudaha dalka gaar ahaan waqooyiga dalka Kenya iyo Soomaaliya.

Ciidamada KDF ayaa ka mid ah kuwa AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya. Ujeedadoodu waa in la xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada al-Shabaab ee gobolka.

KDF ayaa Soomaaliya timid Oktoobar 2011. Duullaanka Kenya ee koonfurta Soomaaliya ayaa billowday ka dib markii la afduubtay laba haween ah oo u dhashay dalka Spain, kuwaas oo MSF u shaqaynayay xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Afduubka ayaa waxaa geystay dabley lala xiriiriyay Al Shabaab.

Labo sano ka dib ciidamada ayaa waxaa u suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta magaaladda dekadda leh ee Kismaayo oo ay ku howlanaayeen howlgalka lagu magacaabo Sledge Hammer.

Dawladdu Kenya waxay u aragtay weerarradaas kuwo khatar ku ah madax-bannaanida dalka maadaama ay bartilmaameedsanaysay dalxiiska, oo ah halbowle dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019.

  • Afrika

    19-04-2025

  • 03:38PM

Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

  • Afrika

    13-04-2025

  • 12:32PM