Kenya Airways oo khasaartay aduun lacageed dhan $130.5 milyan

Image
Kenya Airways ayaa dhibaatooyin dhaqaale la daalaa-dhaceysay ka hor masiibada cudurka COVID-19.

NAIROBI, Kenya - Kenya Airways ayaa sheegtay inay lumisay $130.5 milyan (Sh15.8 bilyan) sanad maaliyadeedkii dhamaaday 31-kii Diseembar, 2021.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa fahamsan in tani ay muujinayso hoos u dhaca 41.67% marka loo eego khasaaraha guud ee $313.2 milyan (Sh36.2 bilyan) oo ay shirkaddu sheegtay intii lagu jiray muddadii qiimeynta ee 2020.

Shirkadda ayaa sharraxday inay awood u yeelatay hoos u dhiga khasaaraha guud ee sannadlaha, iyada oo qaadeysa tallaabooyin kala duwan oo lagu xakameynayo kharashaadka, gaar ahaan kuwa ku baxa hawlgelinta ayaa la dhimay 3.62%.

Gudoomiyaha Guddiga Shirkadda, Michael Joseph oo ka hadlay shirka dakhliga maalgaliyeyaasha ee dhawaan la qabtay ayaa waxa uu soo bandhigay aragtiyo dheeraad ah oo ka caawiyay dadaalka dib u qaabeynta dhimista khasaaraha.

Asaga oo arintan ka hadlayana waxuu yiri: "Sanadkii 2021 waxuu caqabad ku ahaa dhammaan shirkadaha duulimaadyada, soo kabashada ayaa u muuqatay mid wanaagsan markii xannibaadaha safarka ay yaraadeen, balse soo shaacbixiddii Omicron Variant ayaa carqaladeeyay kobaca soo kabashada, Waxaan sii wadnay dadaalkeena aan ku hagaajineyno adeegga aan u fidino macaamiisha.”

“Dib-u-qaabeynta iyo isbeddelka aan sameynay intii lagu jiray bandowgii sanadka 2020-ka ayaa si weyn uga qayb qaatay soo kabashada qeybtii labaad ee sanad maaliyadeedka 2021," ayuu sii raaciyay.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarka uu fiicnaan lahaa haddii uusan Omicron Variant carqaladeynin dadaallada soo kabashada.

Waxaaa xusid mudan in masiibadani ay dhibaato weyn u geysatay shirkadaha duulista hawada, iyadoo hoos u dhac badan u keentay shirkadaha diyaaradaha Afrika kuwaas oo lumiyay wadar lacaged $10.21 bilyan sanadkii 2020ka, khasaarahan ayaa wax yar hoos u dhacay waxa uuna noqdaay $8.6 bilyan sanadkii 2021.

Waxaa jirtay warbixin mar sii horeysay ay soo saareen Ururka Duulimaadyada Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo AFRAA in diyaaradaha laga leeyahay Afrika ay qiyaas ahaan lumin doonan $4.9 biylan oo dheeraad ah sanadka 2022.

Si kastaba ha ahaatee, Kenya Airways ayaa dhibaatooyin dhaqaale la daalaa dhaceysay ka hor masiibada cudurka COVID-19. Markii ugu danbeysay ey faa’iido soo saartana waxaa lagu tilmaamay in ay ahayd sanadii 2012 iyadoo intaas wixii ka danbeeye ay isa soo tarayeen hoos u dhaca dhaqaalaha shirkada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM