Kenya: Carro ka dhalatay funaanad lagu sawiray Masjid

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uuliyiinta masaajid ku yaal magaaladda xeebta ku taal ee Lamu ee waddanka Kenya ayaa warqad u qoray naqshadeeye deggen dalka Mareykanka kaasoo dhowaan sameeyay funaanadda uu xirtay heesaaga Jay Z, sidda ay qortay wargeyska Daily Nation.

Dirida warqadda ayaa ka dambeysay markii carro badan ay dadwayne falkan kaga muujiyeen baraha bulshadda, iyaga oo hoosta ka xariiqay in ay tahay wax aanan la aqbali karin.

Funaanadda caanka noqotay waxaa lagu xardhay sawirka masaajidka taariikhiga ah ee Riyadha kaasoo madaxdiisu ay sheegeen in aan lagu soo bandhigin dhar loo qaadanayo baararka lagu caweeyo.

Sidda laga soo xigtay warqadda ay direen madaxda Masaajidka, naqshadeeye Zeddie Lukoye oo mudan in lagu bogaadiyo hal-abuurkiisa waxay ahayd in uu xusho goobo kale oo taariikhi ah kuna yaalo Lamu.

"Minaarad diimeed lama xiriirin kartid waxyaalaha adduunka. Waxaad daabacaysaa funaanad oo ay ku qoran tahay astaan laga yaabo in loo qaato kalaabyadda iyo baararka. Bixi raalligelin," ayuu yiri mid ka mid ah wadaadada Masjidka, sida uu wargeysku sheegay.

Zeddie Lukoye oo ka tirsan shirkada Blkburd Genes oo ah shirkad maxali ah taasoo tibaaxdey in hadafkeedu yahay inay dadka aduunka oo dhan ku wacyi galiso taariikhda, dabeecadda, iyo arrimaha taagan.

Masaajidka Riyadha ee Lamu waa kan ugu cimrbiga dheer ee sida joogtada ah u shaqeeya, waana mid ka mid ah kuwa ugu saameynta badan hay'adaha waxbarista Islaamka ee dunida Sawaaxiliga.

Sida ay sheegeen taariikhyahano kal hore u waramay warbaahinta maxalliga ah ee waddanka Kenya, waxaa la aasaasay dabayaaqada qarnigii 19aad, ilaa iyo markaasna waxaa la aflaxay caruur badan oo ka bartey casharada Islaamka ee aasaasiga ah iyo tacliinta kale ee madaniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM